isha: Foto: mitti /
Warbaahinta Sanaag.so ayaa heshay Nuqul ama koobi ka mid ah Go’aankii ay gaartay Xeer ilaalinta Guud ee Dalka Sweden oo ku saabsanaa kiiskii Amineh kakabeveh oo faafisay Aflagaadada, Nacaybka Soomaalida, sii akhri  warbixintan. Cajaladii Cunsuriyada ee lagu aflagaadeyey Soomaalida oo la soo helay
 
Nuqul:
Warqadda Go’aanka Xeer ilaalinta Dalka Sweden.
Garyaqaankii hadda ka hor hoos u dhigay Dacwada taariikhda markii ay ahayd 16 bishii June, go’aankaas waa la bedelay. Waxaan hadda Go’aan lagu gaaray in kiiskii la furo oo baritaan la sameeyo ku saabsan in la galay dembi isir nacayb ah iyo bah dilid Kiiska waxaa loo wareejiyey Xeer ilaalinta gaar ka ah si ay arintaan go’aan uga gaaraan.
 
Sababta keentay go’aanka: Hadda ka hor waxaa jirta in uu Xeer ilaaliye kale uu gaaray in Kiiska hoos loo dhigo ama la xiro. Lakiin waxaa go’aankaas laga qaatay Racfaan ama ambiil, waxa ay Xeer ilaalintu isla aragtay in Kiiska loo haysto Naagtaan Amineh kakabaveh aan si qoto dheer hore loogu baarin, isla markaas Xeer ilaalinta loo gudbiyey cadeymo dheeraad ah, sidaas darteen Kiiskaan baaristiisa waa danta Caamka ah, Waxaana loo gudbiyey Xeer ilaalinta ugu saraysa ee dalka Sweden.
 
Sababta keentay go’aankaan cusub oo ah in Kiiska dib loo baaro: Xeer ilaalinta hore uma haysan warbixinadan dheeriga ah, oo ay ka mid tahay Filimka, iyo akhbaarta kale ee Media-yaha ama Facebooka, sidaas darteed waxaa loo qaateen noqon karta in dembi la galay, sidaas darteed waxaan furaynaa kiiska.
Sanaag.so
13501627_10207700640326405_6124093258533328221_n 

 

LEAVE A REPLY