Warr aan ka heleno Magaalada Kismaayo ee xarunta kumeel gaarka Maamulka Jubbaland ayaa sheegaya in khilaaf hor leh uu soo kala dhex galay xildhibaanada maamulkaasi iyo gudoonkooda.

Khilaafkaani ayaa ka dhashay hindise sharciyeedka dhisida guddiga doorashooyinka iyo xuduudaha ee maamulka Jubbaland oo maalinimadii shalay la hor geeyay, waxaana kasoo horjeestay xubno kamid ah xildhibaanada maamulkaasi

Xildhibaan Maxamed Nuur Buulle oo mid ah xildhibaanada Maamulka Jubbaland ayaa Warbaahinta usheegay isagoo ku sugan Magaalada Muqdisho ee caasimada dalka somaliya  waxa  sababay  xildhibaanada qaar ee maamulkaasi ay kaga soo horjeesteyn hindise sharciyeedkaasi

Khilaafkaani ayaa waxa uu noqon karaa mid sababa hubaanti la’aan ku saabsan doorashada madaxweynaha maamulka Jubbaland mar hadii gudoonka baarlamaanka iyo xildhibaanada uu soo kala dhex galay Khilaaf .

LEAVE A REPLY