Dalka Kenya ayaa laga mamnuucay bacaha wax lagu qaato iyadoo qofkii lagu helo inuu haysto ama iibinayo bac uu mudan karo ganaax gaaraya illaa iyo $38,000 ama xabsi gaaraya afar sano.

Dowlada Kenya ayaa ku macneysay joojinta isticmaalka iyo ka ganacsiga bacaha inay dhibaato ku tahay deegaanka.

Hase yeeshee dadka ka ganacsadaha bacaha iyo warshadaha soo saara ayaa ku eedeeyay dowlada inay ku shaqo weynayaan joojinta bacaha dad gaaray siddeetan kun oo shaqaale ah. Bacaha ayaa waxaa hore loogaga mamnuucay  wadamo ay ka mid yihiin Rwanda,Mauritania iyo Eritrea.

Xoolaha ayaa badanaa cuna bacaha wadooyinka loogaga tago iyadoo la sheegay in xoolaha lagu gowraco magaalada Nairobi gaar ahaan lo’da laga helo illaa labaatan bac  neef walba taasoo la sheegay in ay halis ku tahay dadka cuna hilibka xoolahaas.

Waa markii saddexaad tobankii sano ee la soo dhaafay  oo ay dowlada Kenya isku daydo inay ka mamnuucdo dalkeeda isticmaalka bacaha waxaana sanad walba laga isticmaalaa baco lagu qiyaasay 24 malyan.

Dowlada Kenya ayaa  u qabatay muddo lix bilood ah warshadaha soo saara iyo dadka iibiya bacaha iyadoo mudadaasna ay xalay ku ekeyd.

Mohamed Salah
Sanaag.so

LEAVE A REPLY