Malcaamadan/ Dugsigan waxaa asaasay Shiikh Axmed Yuusuf Maxamed markii ay taariiikhdu ahayd 1967 dii Magaalada Xubeera ee Gobolka Sanaag oo Badhan u jirta 15 km.

Waa Malcaamadii ugu horreysay ee laga asaasay Magaalada XUBEERA ee hadda jirta, welina shaqaynaysa, taas oo ay ka baxeen kumanaan arday oo ku kala sugan gudaha dalka iyo dibaddiisa halkan lagu soo koobi karayn.

1967 dii, 10-kii arday ee lagu bilaabay waxaa ka mid ahaa:

1) Cabdullaahi Axmed Jaamac Cabdi
2) Marxuum Maxamed Ibraahim Badmaax
3) Ismaaciil Siciid Diiriye
4) Khadra Saalax Garaad
5) Xaawa Qaali Cabdi Cumar
6) Faadumo Yuusuf Maxamed Xaaji
7) Axmed Cali Ciise
8) Cismaan Saalax Maxamuud Cabdi
9) Siciid Nuur Maxamed Dacar.
SyntekExifImageTitle
Sawir hore Xubeera/ Sanaag, ka hor duufaantii 1971 dii.

Markii sanadku ahaa 1972 dii ayaa magaalada Xubeera loo soo raray Magaalada Badhan ka dib markii duufaani ku dhufatay Magaalada qadiimiga ah ee Xubeera. Xiligaas ayaa Malcaamadda Shiikh Axmed oo hadda loo yaqaan Dugsiga Qur’anka ee Ibnu Cabbaas loo raray magaalada Badhan. Dugsiga Ibnu Cabaas waxaa uu magalada Badhan ka furanyahay muddo 44 sano ah.

Sanadkii 2000 ayaa Malcaamadda loo dhiibay Sh. Cabdirisaaq Axmed Maxamed kaas oo la wareegay hawsha malcamadu si uu halkaas caruurta uga sii wado baridda qur’anka kariimka ah. Tirada Ardayda hadda wax kabarata dugsiga Ibnu Cabbas waa Boqolaal arday oo kala ah Wiilal iyo Gabdho, kuwaas oo kala dhigta gelinka hore iyo gelinka danbe.

 Malcaamada waxaa lagu bartaa:-

1.Barashada iyo xifdinta Qur’aanka
2.Barashada Kutubta iyo tarbiyadda Islaamka.
3. Barashada Afka Soomaaliga.

Malcaamaddu waxa ay u baahan tahay dhisme cusub, waxayna haysataa dhul aad u baaxad wayn, Magaaladu aad bay u fiday, waana ay sii waynaanaysaa marba marka ka sii danbaysa taas ayaa keentay in gebi ahaan dhismihii hore ee labada qol iyo daaradda ahaa ku filnaan waydo ardaydii.

Haddaba dhammaan dadka Khayrka jecel waxaa laga codsanayaa in si guud looga wada qayb qaadto, waxaa wax ku baranayaa waa dhallaankeena, qofkasta oo ka qayb qaadtana Ilaahay miisaankuu xasanaad u saarayaa Insha-Allah.

DAHABSHIIL, BADHAN
MALCAAMADDA, IBNU- CABBAAS

Account NR: BDND00228 BDND

Guddiga Malcaamada ee Shiikh Axmed 

1) Sh. Cabdirisaaq Axmed Max’ed
2) Fadumo Shire Saalax
3) Cabdullahi Sh. Axmed
4) Caasha Cismaan Suldaan
5) Sh. Cabdullahi Siciid Jamac
6) Cabdulqaadir Siciid Faarax
7) Cumar Cawed Yuusuf
8) Abdulqadir Siciid Faarax
9) Cali Xassan Cadde
10) Cabdullaahi Cali Maxamed Dhahar
11) Cumar Cali Ciid
12) Deeqa Maxamed Warsame
13) Cabdiraxmaan Khaliif Faarax
14) Jaamac Faarax Ismaaciil
15) Cali Cabdullaahi Aadan

 Fadlan,  la soo xidhiidh  Guddida Malcaamadda E-mailkan hoose, Mahadsanid.

Emailka Guddida: ibnucabbas@sanaag.so

Sanaag.so

LEAVE A REPLY