Ka Baro Qudhaanjada Qaabka ay u nooshahay!

qudhaanjoQudhaanjada ayaa lagu tilmaama in ay tahay noolaha ugu yar, ee ALLAAH abuuray, oo ishu qaban karto. Noolahan yar ayaa Banii’adamku ishiisa u quudhin in uu ku eego, tamar yaradeeda iyo yaraanteeda darteed. Qudhaanjada, oo Banii’aadamku ka aaminsan yahay in ay tahay noole aan u soo kordhin karin waxaan ka ahayn dhib, qaniiyo iyo raaxa la’aan, ayaa ah noole Banii’aadamku ka baran karo qaab nololeed caafimaad qaba, in ka badan intuu ka baran karo Banii’aadamka la midka ah, isaga ee Ilaahay hibada uu siiyay garaadka iyo garashada aysan ka faa’iidaysan!

Qudhaanjada ayaad ka baran kartaa Siffooyinkan hoos ku qoran oo ku sahli kara in aad ka dhabayso nolol u qalanta qiimaha Ilaahay dheeraadka kaaga siiyay noolaha kale (Xayawaanka).

Ka baro Qudhaanjada qaab nololeedkeedan qiimahaagii banii ‘aadannimo dib u soo calin kara:

 (1) Hal-adaygga (Determination/العزيمة ):

Qudhaanjada ayaa lagu yaqaannaa in ay tahay noole ay qaamuuskiisa ku jirin wax loo yaqaano Noogid/ ama niyad jab. Qudhaanjadu isma dhiibto ilaa inta ay ka helayso waxa ay rabtay. Tusaale ahaan. Haddii qudhaanjada jidd/ Waddo ku soo xidhanto waxa ay raadisaa waddo kale iyada oo marnaba dib uga noqonin waddadii ay u socotay.

Qudhaanjadu haddii ay rabto in ay geed ama gidaar korto, mar walba oo ay ka soo dhacdo waxay dib isugu daydaa in ay dib u korto ilaa ay ka korayso.
Hal-adayga Qudhaanjadu waxa uu ku barayaa in aadan is dhiibin caqabad walba oo noloshaada dhexdeeda ku soo food saarta; Mar walba oo aad meeshaad u socotay wadadeedu kaa soo xidhantona aad raadiso waddo kale.!

(2) Kala danbaynta iyo Shaqo qaybsiga ( division labour /تقسيم  العمل):

Qudhaanjada ayaa lagu yaqaanaa noole shaqadu u kala qaybsantahay si ay u gaadhaan hadafkooda. Tusaale ahaan, Allaah waxa uu Suuratu Naml inoogu sheegay Qudhaanjo, isaga oo ka cibaray ”Namla” hal qudhaanjo oo iyadoo shaqa qaybsiga u heshay in ay waardiyayso qudhaanjooyinka kale.

(3) Midnimada iyo wadajirka:

Qudhaanjada ayaa ah noole aan marnaba keligiis gaar u noolayn. Qudhaanjadu waxa ay u nooshahay koox koox. Ma arkaysid qudhaanjo kaligeed meel socota. Wadajirkani waa sababta Qudhaanjada u suurta galisa in ay qabsato wax Banii’aadamku qabsan karin.

Midnimada iyo wada jirka qudhaanjadu waxa ay ku baraysaa in aadan Qof qiimo leh noqon karin la’aanta garabsiga walaalkaa!

(4) Wada Shaqaynta iyo Iscaawinta:

Qudhaanjada ayaa lagu yaqaan noole si wada jir ah wax u qabsada (Team work).Tusaale ahaan, haddii qudhaanjo ay hesho gabal/ qayb yar oo hilib ama cunto ah waxa ay u yeedhataa qudhaanjooyin kale si ay u gaadhsiiyaan godkooda.

(5) Maaraynata Masiibooyinka:

Qudhaanjada ayaa lagu yaqaanaa in ay tahay noole aan ka fakarin kaliya maalinta uu joogo.Qudhaanjadu waxa ay ka fakartaa waxa soo socda.Sida aqoonyahandu cadeeyeen, Qudhaanjadu waxa ay sii kaydsataa waqtiga kulaylaha Cuntadii ay cuni lahayd waqtiga qaboobaha oo ah waqti ay qudhaanjadu dibada u soo bixi karin.!

Ka fakar waxa soo socda. Ogow mustaqbalkaagu sida uu ekaandoono waxa cadayn u ah maanta oo aad joogto waxa aad qabsanyso.

(6) Hawl-Karnimada:(Competency)

Qudhaanjada ayaa ah noole arageeda, sida ay u yartahay, iyo itaalkeedu is lahayn. Sida ay aqoonyahannadu xaqqiijiyeen, Qudhaanjadu waqtiga roobku yimaado waxay godkeeda dibadiisa u soo gurtaa dhamaan cuntaday kaydka ugu haysatay waqtiga qaboobaha.

Qudhaanjada yaraanta aad aragatay leh, waxa ay laba jab u kala jabisaa midhaha/ seeds ka ay cunta ahaanta ugu kaydsato qabawga. Waxa ay dhigtaa meel qoya/ruduubad/ humidity leh si ay uga hortagto midhahaasi in ay ka beermin oo geed ka noqon; Iyaduna halkaa ku cunta beelin.!

(7) Feejignaanta/ Digtoonaataa:

Qudhaanjada ayaa ah sida Allaah Suurato Al-Naml ku cadeeyey noole aad u digtoon. Ilaahay waxa uu inoo sheegay in qudhaanjo, shaqo qaybsiga qudhaajadu hab dhaqanka u leedahay, uu ku soo hagaagay in ay ilaalo ka noqoto oo ay uga digto qudhaanjooyinkii kale markii ay aragtay Nabiyullaah Sulaymaan iyo ciidamdiisii si aysan ugu joogsan oo cagta u marin iyaga oo ogayn.

(8) Isu cudurdaarka iyo in mar walba la isu male wanaagsanaado:

qudhaanyoQudhaanjadu waa noole hadii wax dhib ah loo gaysto mar walba u raadisa cidda u gaysatay dhibka cudurdaar.! Sida Allaah Suuratu Al-Naml ku sheegay Qudhaanjadu marka ay digniinta bixinayso si Nabi laahi Sulaiman iyo Ciidankiisu dhib ugu gaysan , waxay ay wargalinysay qudhaanjooyinka kale iyada oo u sheegaysa hadii Nabiyulaahi Sulaiman uu wax dhib ah u gaysto in ay ka atahay ogaal la’aan iyo in uusan ulakac ugu joogsanayn .

” Qudhaajooyinow gala Guryihiina si Sulaymaan iyo ciidankiisu idiin baab’in iyaga oo  idin ogayn”.!

Waxaad ka baranaysaa Qudhaanjada in aad mar walba aad male wanaagsan ku xambaarto xumaan walba oo walaalkaa kaa soo gaadha mar walbana cudurdaar u raadiso.!

Gabagabo:

Qudhaanjadu waxa ay inna baraysaa in aynaan marnaba isdhiibin halganka nolosha dhexdeeda ilaa hadafkeena ka xaqiijino, ka fakarno Mustaqbalka, la nimaadno Hal-dayg, Hawlkarnimo, Feejignaan, Sabir iyo dulqaad, Midnimo iyo wada shaqayn si aan u gaadhno nolosha banii’aadanimo ee u qalanta qiimaha ilaahay dheeraadka kaaga siiyay noolaha intiisa kale.

Ka faa’iidayso hab nololeedka qudhaajada. Ha ku eegin makhluuqan yar eegmo aan u qalmin; Isla markaa aad noqoto ninkii buurta dhaladeeda intuu koray dadkii ay la noqdeen wax aad u yaryar laakiinse isagu iska warhayn in uu aad ugu yaryahay isha dadka hoos ka fiirinya marka uu buurta dhaladeeda saaranyahay.!

WQ: Hassan Mohamud M Shire

Faafin. Sanaag.so 2015

LEAVE A REPLY