Baarlamaanka cusub ee Soomaaliya iyo Guddoonkiisa sare ayaa ku jira diyaargarowgii ugu danbeeyey, waxaa horyaalla oo laga sugayaa in ay soo doortaan Madaxwaynaha cusub ee dalka Soomaaliya hoggaamin doona 4ta sanno ee soo socota.

Guddoomiyaha baarlamaanka Soomaaliya Maxamed Cismaan Jawaari ayaa xafiiskiisa ku qaabilay wafdi ka socda dalalka Soomalaiya saaxiibada la ah ee  beesha caalamka iyo qaar ka mid ah mushariixinta u taagan xilka madaxweynaha Soomaaliya.
Jawaari Xubnaha ay is arkeen  waxaa ka mid ahaa Wakiilka gaar ah ee QM Micheal Keating waxa ayna ka wada hadleen arimaha la xiriira u diyaar-garoowga doorashada Madaxweynaha ee la filayo in ay dhawaan qabsoonto
 
Xubnihii beesha calaamka iyo musharixiintii kulanka la qaatay Jawaari ayaa wada jir uga dalbaday in la dardargaliyo qeybaha dhimin doorashada, iyaga oo dhinaca kalana dalbaday in doorashada ahaato mid ku dhisan hufnaan iyo cadaalad.
Ugu danbayntii,  baarlamaanka Soomaaliya ayaa kulamada ugu soo horeeya la filayaa in la magacaabo guddiga qabanqaabada doorashada madaxweynaha Soomaaliya, kuwaas oo ku dhawaaqi doona waqtiga ugu danbeeya ee doorashada.
Sanaag.so

 

LEAVE A REPLY