Jaaliyada Soomaalida Sool iyo Sanaag ee Magaalada Stockholm/ Kista / Sanaag.so

Ka dib Waraysi uu la yeeshay Wariye Keenadiid Mohamed Wasiirka Arimaha Dibadda & Xidhiidhka Caalamiga Maamulka la magac baxay Somaliland Sacad Cali Shire oo waraysi siiyey Idaacadda Sweden (sverigesradio) waxaa kulamo gooni gooni ah yeeshay Jaaliyadda Maakhir iyo Khaatumo ee Gobolada Sool iyo Sanaag, waxayna Canbaarayn u jeediyeen Idaacadda Radio Sweden qaybteeda Afka Soomaaliga.

Jaaliyadda Soomaliyeed ee ku dhaqan  dalkani Sweden ayaa ku eedeeyey Idaacadda Radio Sweden Qaybteeda Afka Soomaaliga in ay  u xuubsiibatay isla markaana faraha la gesho Madaxbannaanida iyo Midnimada Qaranka Soomaaliyeed isla markaana xiisad ka dhex abuuraty Soomaalida degan dalkani Sweden.

Sidoo kale, waxay Jaaliyadu ku eedaysay Wasiirka Arimaha Dibadda iyo Xidhiidhka Caalamiga Somaliland Sacad Cal Shire in uu ka mid yahay xubno Wasiiro iyo Xildhibaanno isugu jira isla maamulkaasi in ay sabab u yihiin  dagaalada dhexmara Beelaha Walaalaha ee wada dega taas oo marka danbe isku beddesha dagaalo iyo Ciidamo hubaysan ay ku dhexmaraan Puntland iyo Somaliland.

Dawlada Sweden ayaan wax lug ah ku lahayn siyaasadaha gudaha ee dalka Soomaaliya ee laga dhaxlay burburkii Soomaaliya 1991 dii, waxayse ka qayb qaadatada  oo caawisaa Dalka Soomaaliya iyadoo  hay’adaha gargaarka oo ay ka mid tahay  Save Children, Red Cross, Danish/Norwegian Refugee Councils, FAO, WFP, u sii marisa mucaawinooyinka.

Abaaraha Sannadkan dalka ka dhacay Bishii Mars 2016 waxay Dawlada Sweden ugu deeqday Soomaaliya 17 Million Euro, halka Somaliland loo qoondeeyey 7 Million oo Euro sida ay sheegtay Wasiirka horumarinta iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Sweden Miss Lovin

Kaalmada ay siiso dawlada Sweden qaybta kaaga aadan Somaliland waxa ay u adeegsataa Ciidamadeeda jooga Gobolka Togdheer si ay weeraro ugu qaadaan Gobolada Sool iyo Sanaag taas oo ay idaacada Radio Sweden (sverigesradio) waxba ka waydiin.

sacad-cal-shire-wasiirka-arrimmaha-dibadda-iyo-xiriirka-caalamiga-somaliland
Sacad Cal Shire, wasiirka arrimmaha dibadda iyo xiriirka caalamiga Somaliland. sawir: Sawirle: Kenadid Mohamed/ Sveriges Radio.

Wasiirka arimaha dibbada Somaliland Sacad Cal Shire oo wariyaha Idaacadda Sweden oo gobolada Sool iyo Sanaag wax ka waydiisay ayaa yidhi:

– Gobollada Sool iyo Sanaag, weliba Gobolka Sool Media-da buuq badan baa ka socda in dagaalo sokeeye ka jiraan halkaasi ammaankoodu waa sidee?

Wakhtigan xaadirka ahi ammaanku aad buu u wanaagsan yahay mararka qaarkood Beeluhu waa ay isku dhacaan!! Runtii beelo isma dilaan, runtii ashkhaas ayaa dagaaladu ka bilawdaan mararka qaarkoodna waa uu fidaa, lakiin  waxay ay aad Dawladu  ugu dadaashaa iyo Odayaasha, Madax-dhaqameedka  in markasta oo ay taas oo kale timaado, si deg deg ah loo galo oo loo xaliyo oo la isku keeno markaa darafyada markaasi is haysta. Ayuu yidhi  Wasiir Sacad Cali Shire

Haddaba dhacdooyinkan sida Warbaahinta Sanaag.so  ay u la socodto waxaa jira  in Somaliland lagu eedeeyo dagaalada Sokeeye ee dhex mara Beelaha wada degaa ay yihiin mid ay Somaliland bilowgeeda leedahay marka danbese isku beddela Qabiil oo ay ku dhintaan dadyow badan, isla markaana dad badan ay ku barakacaan, Magaalooyinka qaybtood, tuulooyinka iyo dhul-daaqsimeedka.

Waxaa xubno qaraxyo soo abaabulay ama is qarxiyey lagu qabtay Magaalada Muqdisho, sidoo kale Maamulka Puntland ayaa dhowr jeer  BAYAAN ay soo saareen ku sheegay in  ay Somaliland ay taageerto Ururada argagaxisada oo ay siiso hub dagaalyahannada Alshabaab ee ku dhuumaalaysta Deegaanka Galgala ee Gobolka Bari.

Ugu danbayn, Warbaahinta Sanaag.so waxa ay ku hawlan tahay in ay wax ka waydiiso arimahan iyo kuwa kale oo badan si ay wax uga waydiiso Idaacadda Radio Sweden  qaybteeda Afka Soomaaliga, haddi ay noo suurto gesho. Ha Moogaan!

Halkan ka  dhagayso Waraysiga Idaacada Sweden(sverigesradio)

Sanaag.so

 

 

 

 

LEAVE A REPLY