Wararka ka imaanaya magaalada Buurhakaba ee Gobolka Baay ayaa sheegaya in iska hor imaad u dhaxeeya ciidamada dowladda oo taageero ka helaya kuwa AMISOM iyo Dagaalamayaasha Al-Shabaab uu ka dhacay deegaan u dhow Buurhakaba.

Iska hor imaadkan ayaa ka dambeeyay, markii ciidamada dowladda ay weerar ku qaadeen deegaan ku dhow Buurhakaba oo ay ku sugnaayeen Al-Shabaab.

Saraakiil ka tirsan ciidamada dowladda ayaa sheegay in ciidamada is garabsanaya ay la wareegeen deegaanka, isla markaana ay ka saareen Shabaabkii ku sugnaa.

Lama oga khasaaraha kala gaaray labada dhinac, waxaana adag in warar madax banaan laga helo halka lagu dagaalamay oo ah deegaan ay adag tahay in isgaarsiinteeda la haleelo.

Ciidamada dowladda iyo kuwa AMISOM ayaa maalmihii u dambeeyay dhaq dhaqaaqyo Buurhakaba, kaddib markii Al-Shabaab ay ku soo dhowaadeen magaalada.

LEAVE A REPLY