Waxaa Maanta wajahay Maxkmad oo la xukumay, 15 ka mid ah Maxaabiistii Soomaaliyeed ee ku xirnaa dalka India, kuwaas oo tiradoodu ahayd 118 Maxbuus.

15 – ka maanta Maxkamadda la soo taagay waxaa lagu xukumay min 7 sano oo xarig ah.

”Maxaabiistan waxa ay xirnaayeen min 6 sano iyo bar. Markaa xukunka maanta macnihiisu wuxuu yahay in ay xabsigooda ka harsan tahay 6 bilood oo xarig ah” ayuu yiri Yuusuf Garaad Cumar, Wasiirka arimaha dibadda Soomaaliya.

Yusuf Garaad waxaa kale uu sheegay in lagu xukumay ganaax aan badneyn 15 maxbuus 160 Dollar waxaana uu intaasi ku daray

”Heshiiska shalay ay galeen Soomaaliya iyo India wuxuu qorayaa in aan maxaabbiista xabsigooda ay ka hartay 6 bilood wax ka yar aanuu saameyneyn heshiisku.”

Wefitiga Wasiirka Arimaha dibadda Soomaaliya Yuusuf Garaad Cumar iyo safaaradda oo kaashaneyna Qareenka maxaabbiista oo ay dhalashadiisu Indian tahay, waxaan ka shaqaynayaan tabtii ay ku suurta geli lahayd in 15-kan Maxbuus ay ka mid noqdaan kuwa dalka lagu soo celin doono.

Ugu danbayn, Xukunka labaad ee Kooxda xigta ee Maxaabbiista waxaa xukunkoodu dhici doonaa Maalinta Isniinta ah ee foodda inagu soo haysa 2017-08-07.

Sanaag.so

LEAVE A REPLY