Maxkamadda dambiyada caalamiga ah ee magaceeda loo soo gaabiyo (ICC) ayaa golaha ammaanka ee Qarammada midoobay u gudbisay, dacwad ka dhan ah dowladaha Jabuuti iyo Uganda.

Dacwadda oo la gudbiyay shalay oo Talaada ahayd ayay maxkamaddu labada dowladood ku eedaysay, inaysan qaban madaxweynaha dalka Suudaan, Cumar Xasan Al-Bashiir oo socdaal ku tagey dalalkooda.

Ashtakada ayaa waxaa kaloo lagu sheegay, in labada dowladoodba ay ku xad-gudbeen sharciga wax ka qabashada dambiyada caalamiga ah ee dagaalka oo ay wax ka saxiixeen iyo fulinta amarrada maxkamadda, waxaana golaha looga codsaday, in uu tallaabo sharci ah ka qaado labada dowladood.

Maxkamadda lix sano kahor amar ku bixisay, in la qabto madaxweynaha dalka Suudaan, Cumar Xasan Al-Bashiir oo ay ku eedaysay, dambiyo dagaal oo ka dhacay dalkiisa iyo diidmada dalab uga yimid maxkamadda oo ku saabsanaa inuu iska xaadiriyo maxkamadda, si loo maxkamadeeyo.

Maxkamadda ayaa sannadkii hore ku guul-darraysatay dadaal ay ku doonaysay, inay qabato madaxweyne Al-Bashiir oo dalka Koonfur-Afrika uga qaybgalayay shir-madaxeedka ururka Midowga Afrika.

Heshiiska ay ku dhisan tahay maxkamadda dambiyada caalamiga ah ee ICC-da ayaa waxaa saxiixay in ka badan 120 dowladood.

Sanaag.so

LEAVE A REPLY