Ciidamada Xoogga dalka Soomaaliya (XDS) oo kaashanaya kuwa AMISOM ayaa howl galo  ka wada deegaano hoos taga degmada Jalalaqsi ee Gobalka Hiiraan sida uu sheegay Guddoomiyaha Degmada Jalalaqsi Ibraahim Madoobe Nuur.

Howl galladaas ayaa la sheegay in laga la wareegay deegaano ay ka arimin Jireen xarakada Al-Ashabab.

Guddoomiyaha Degmada Jalalaqsi Ibraahim Madoobe Nuur oo la hadlay warbaahinta ayaa sheegay in intii uu hwolgalkas uu socday dhulka laga saaray miinooyin ay ku aaseen Al-Shabaab, sidoo kalena qaarkood ay qarxiyeen.

Ciidankan howlgalka sameeyay ayaa ka baxay Degmada Jalalaqsi, iyaga oo isku maray Deegaano dhowr ah oo ay ku sugnaayeen  Ururka Al-Shabaab.

Sanaag.so

LEAVE A REPLY