Ciidanka Daraawiishta Puntland oo muddooyinkii ugu danbeeyey hawlgalo ka waday Deegaanka Cawsane ee Gobolka Haylaan ayaa gacanta ku dhigay 10 qof oo looga shakisan yahay Alshabaab.
 
Dadkan la qabtay ayaa ku sii jeeday dhanka Buuraha Galgala oo ay ku dhuumaalaysanayaan kooxda Alshabaab oo 10 kii sanno oo u danbeeyey dagaalo ku dhex mareen Alshabaab iyo Maamulka Puntland.
 
Taliyaha Ciidamada daraawiishta Puntland ee Gobolka Haylaan Fu’aad Warsame (Fu’aad Xanaano) oo waraysi siiyey Idaacadda Daljir ayaa sheegay in dadkan ay qabteen Ciidamadu ay ka yimaadeen Beer oo u dhow Magaalada Burco ee Gobolka Togdheer, waxayna ahaayeen 8 Rag ah iyo laba haween ah kuwaas oo hadda loo gudbiyey Xabsi ku yaal Magaalada Boosaaso.
 
Taliyaha oo faahfaahin ka bixiyey hawlgalkooda ayaa sheegay in ay dadkani ka yimaadeen Burco isla markaana lagu ururiyo deegaanka Beer oo ka tirsan Gobolka Togdheer.
 
Radio Daljir: Halkee ka yimaadeen Dadkan?
Taliye Fu’aad Xanaano: Burco.
R: Maxay u socdeen marka?
T: Waxay u socdeen Buurta.
R: Sidee ku ogaateen in ay Buurta u Socdeen Taliye?
T: Waxaanu ku ogaanay dabagal baannu awelba ku haynay, sidaad ogtihiin sahankaygu dhul badan buu ka shaqeeyaa, deegaanka Beer oo Burco u dhow baa lagu ururiyaa, toban tobankaa qof baa looga soo qaadaa, gawaari yar yar baa soo qaada, Buurta bannaankeeda baa la keena, meelahaas baa laga dusiyaa.
Hadda ka horow waad ogayd kuwo hore baan qabanay, xalayna 10 kan qof baan qabanay.
 
Taliyaha Ciidamada daraawiishta Puntland ee Gobolka Haylaan Fu’aad Warsame (Fu’aad Xanaano) ayaa sheegay in dhowaan Saxaafadda loo soo bandhigi doonaan.

”Waan soo dayn doonaa Codadkooda, Muuqaalkooda, Sawiradooda, dukumintayadii bay wataan, Mobiladooda baannu hadaladoodii ku haynaa, markaa waa ay cad yihiin waa Niman u socda (Iyaga) Alshabaab”.

Halkan  ka dhagayso Taliye Fuaad Xanaano

Bishii June 8 deedii, Alshabaab waxa ay weerar ku soo qaaday Ciidanka Puntland iyo Shacab is kugu jira Deegaanka Af Urur waxayna ku dileen 61 qof, waa khaasaarihii ugu balaadhnaa ee soo gaaray Ciidanka Puntland iyo dad Shacab ah.

Maamulka Somaliland ayaa dhowr jeer oo hore lagu eedeeyey in wada shaqayn dhow ay kala dhaxayso Alshabaabka Koonfurta Somalia iyo kuwa ku sugan Buuraha Galgala.
Sanaag.so

LEAVE A REPLY