Xiddiga Caanka ah ee Baraha Bulshada si wayn looga wada yaqaano Mukhtar Nuur (Bigg Boss) isla markaana ah Sawir-qaade soo ban-dhigi jiray Muuqaalo, Sawiro uu ka soo qaado Quruxda Dalka ayaa lagu xidhay Magaalada Muqdisho ee Caasimadda Somalia.
 
Sarkaal ka tirsan Hay’adda Nabad Sugidda Soomaaliya ee (NISA) ayaa Xabsiga u taxaabay Wariye Mukhtar Nuur. isagoo caawa xabsiga Godka Jilicow ku hayanaya habeenkii Afraad.
 
Mukhtaar Nuur ayaa muddooyinkii ugu danbeeyey ka hawlgalaayey Safaaradda Imaaraadka Carabta, lama oga Sababta loo xidhay, waxaase Warbaahintu sheegaysaa in Maalintii khamiistii uu fasax ka soo qaatay safaaradda ka dibna baabuur ay leedahay hay’adda Nissa iyo rag hubaysan oo watay ay ka kaxaysteen bannaanka hore ee Safaaradda Imaraadka.
 

Dhalinyaradan waxaa ka mid ah  Sawir-qaade Mukhtaar Nuur, Axmed Cabdifataax Cali oo  iskood isku xilqaamay in afuriyaan 100 qof .Muqdisho: Dhalinyaro 100 qof u qaybiyey Afurro

Ugu danbayn, Safaaradda Imaraadku weli kama hadlin xariga sawir-qaade mukhtaar, waxaa kale oo aan ka hadlin dawladda federaalka Soomaaliya sababta loo xiray suxufigan.
contact@sanaag.so
Sanaag.so

LEAVE A REPLY