Jamciyadda Salaam oo ah Hay’ad wadani ah oo ka hawl-gesha Gobolka Sanaag ayaa gaadhsiisay deeq raashin ah deeganka Gurmale oo ku yaal Xadeedka u dhexeeya (Sibaaye iyo Ceelbuh) ee Gobolka Sanaag.

Deeqdan raashinka ah waxa ku deeqay Hay’adda Al-nasar Relief Agency ee dalka UK.

Degaankan waxa ku nool dad reer guuraa ah (Xoolo dhaqato) oo ka mid ah qoysaskii danyarta ahaa  ee ay saamaysay abaartu sanadihii la soo dhaafay.

Jamciyadda ayaa 72 qoys oo ku kala nool deegankaas iyo deeganada ku hareeraysan u qabisay raashin isugu jira Bur (daqiiq), Bariis, Saliid iyo timir.

Waxayna ka mid tahay MASHRUUCA TAALUULAYNTA DADKA DANYARTA AH. Oo ay wada fuliyaan Jamciyadda Salaam ee fadhigeedu yahay Magaalada Badhan ee gobolka Sanaag iyo Hay’adda Al-Nasar relief ee dalka UK.

Taakulaynta Dadka Danyarta ah

Mashruucan ujeedadiisu waxa weye in Taageero iyo Gurmad loo fidiyo Dadka Danyarta ah ee kala ah:

  1. Dadka Abaarta ku tabaaloobay (Abaartu sameysay)
  2. Dadka danyarta ah ee an haysan wax taageera ah.
  3. Dadka xanuusan ee gacan qabadka u baahan,
  4. Dadka dhuljiifka ah ee xanuunda iyo da’du soo ridatay.
  5. Masakiinta iyo Agoomaha
Mashruucan Waxa iska kaashaday Hay’adda AlNasr Relief Agency ee dalka UK + JAMCIYADDA HORUMARINTA EE SALAAM (Salaam Development Society).
 
Goobaha laga fulinayo : Gobolka Sanaag.
__________________________________
Jamciyadda Salaam oo ka shaqaysa Arimah gargaarka iyo Horumarinta (Relief and Development) Waxay ka howl gashaa degaanda Puntland, waxayna Xafiiska weyn ku leedahay Magaalada Badhan ee gobolka Sanaag.
 
Faafin, Sanaag.so

LEAVE A REPLY