Axmed Kismaayo, Guddoomiyihii guddiga doorashooyinka Puntland oo is-casilay
SANAAG.SO — Guddiga KMG ah ee doorashooyinka Puntland Axmed Maxamed Cali (Kismaayo), ayaa iska-casilay, kadib markii uu waraaqdda shaqo ka tagista u gudbiyay Madaxwaynaha Dawladda Puntland Cabdiwali M Cali Gaas, oo horay xilkaas u magacaabay.
 
Waraqda shaqo katagista oo soo gaartay Garowe Online, ayaa Guddoomiyuhu wuxuu sababta ku sheegay arrimo isaga u khaas ah oo aysan ku lug lahayn cid kale.
 
Axmed Kismaayo, ayaa intaas ku daray mahad-celin uu usoo jeediyay madaxweynaha dowladda Puntland Cabdiwali Gaas oo ku ammaanay magacaabista booskaas.
 
Madaxweynaha Puntland, ayaa aqbalay shaqo ka tagista Guddoomiyaha guddiga doorashooyinka Puntland.
 
Illo lagu kalsoonyahay oo Warbaahinta Sanaag.so helayso ayaa sheegaya In Madaxwayne Cabdiwali Maxamed Cali Gaas aanu la dhacsanayn Markii hore In Axmed Kismaayo uu xilkaasi culus ka soo dhalaali karro, sidaa darteedna uu Madaxtooyada Garoowe kala kulmay cadaadis uga yimid isla markaana Axmed kismaayo uu go’aansaday inta anay seeftu qaadin in uu bannneeyo xilkaasi.
 
Gudoomiyaha Guddiga KMG ah ee Doorashooyinka Puntland Axmed Maxamed Cali (Axmed Kismaayo) ayaa xilka loo dhaariyey 25th April 2016 halka gudoomiye ku xigeenna ay u doorteen Maxamuud Soofe Xasan oo hadda xilkaasi sii haynaya inta Madaxwaynaha Puntland uu Guddoomiye Cusub soo magcaabayo.

LEAVE A REPLY