Xildhibaan Cabdiraxmaan Maxamed Talyanle oo shalay u tartamay guddoomiyaha golaha wakiiladda Somaliland ayaa sheegay in wax is daba-marin ka dhacay doorashadaasi, isla markaana isaga loo doortay gudoomiyaha golahaasi sidaas darteed uu yahay gudoomiyaha rasmiga ah ee golaha wakiiladda Soomaaliland.
 
Talyanle ayaa sheegay inuu xaqiiqadda soo ogaaday oo wax is daba marin ka dhacay doorashaddii shalay uu isagu hambalyeeyey gudoomiyihii ku guulaystay, waxaanu sheegay in 39 xildhibaan ee codeeyey uu yahay xidhibaanadii isaga u codeeyey.
 
“Doorashaddii gudoomiyaha golaha Wakiiladda ee la galay ee saaxiibkey Baashe Maxamaed Faarax ku hambalyeeyey xaqiiqdi ayaa soo baxay laga bilaabo saacaddaa aan idinla hadlayo gudoomiyaha golaha wakiiladda waa aniga”ayuu yidhi xildhibaan Talyanle.
 
Waxaanu intaas ku daray “ xaqiiqdeediina waan hayaa, 39 xildhibaan ee codeeyey ciday u codeeyeen waa aniga, sidaas darteed afhayeenka golaha wakiiladda Somaliland waa aniga, waxaana u sheegayaa saaxiibkay Baashe Maxamed Faarax in arrintii is bedesahy isagu maanta looga baahan yahay in xaqiiqda jirta iyo codkii natiijadooda halkuu maray inu aqbalo oo nagu tahniyadeedayo”.
 
Illaa hadda lama garaanayo waxa uu xildhibaanku dib usoo gocday iyo shakiga halka uu ka keenay, haseyeeshee xalay xili dambe ayuu muuqaalkan uu ku cadayayo inuu gudoomiyaha golaha Wakiilada yahay iska soo duubay oo warbaahinta loo kala diray.
Sanaag.so

LEAVE A REPLY