Shir saxaafadeed uu qabtay  Afhayeenka Baarlamaanka Jawaari ayuu sina faahfaahin ka bixiyey kulankii maanta baaqday waxaa uu sheegay  in 11 ciidanka ilaaladiisa ah oo  dhowr qof oo dharcad ah lagu joojiyey Radio Muqdisho oo lagu yidhi halkan ma dhaafaysaan kadibna uu waydiiyey ”War golahaygii Shacabkaan u socdaa yaa Amar idin siiyey” intaa ka  bacdina ay ciidanku ugu jawaabeen;Wasiirka Amnigaa  nasiiyey, ayuu yidhi Jawaari.
 
Guddoomiye Jawaari ayaa sheegay in Wasiirka Amnigu  uu saxiixe ka yahay Mooshinka laga keenay qaybna ka yahay xildhibaanada ka soo horjeeda arrintaasina ay tahay Nasiib darro.
 
Jawaari ayaa  intaasi ku daray in golaha Shacabka  lagu soo daadiyey Ciidamo kumaankun gaaraya sidoo kalena nasiib darro ku tilmaamay in isaga ”Goddoomiyaha Golaha Shacabka” la dhaho  wuxuu qabsaday Golihii Shacabka.
 
“Jawaari baa qabsaday Golihii Shacabka waxay la midtahay, Madaxweynahaa Madaxtooyada qabsaday oo kale. Marka waxaan wax lagu qoslo waaye, wax lagu hadlo maaha. waxaan aad iyo aad uga xumahay wararka noocaasi oo kale ah” Guddoomiye Jawaari
 
Halkan ka daawo Shir saxaafadeed uu qabtay Afhayeenka Baarlamaanka

SANAAG.SO

LEAVE A REPLY