Qoraal ay soo saareen guddiga doorashada heer federaal ayaa lagu sheegay in iyaga oo kaliya go’aan ka gaari karaan waqtiga la qabanayo doorashada xubnaha aqalka sare ee gobolada W/qooyi, kaddib markii dhawaan gudiga doorashada heer gobol uu ku dhawaaqay in 24ka bishan la qabanayo doorashada.
 
Qoraalka ayaa lagu sheegay in cid aan gudiga doorashada heer federaal aheyn ka hadli karin waqtiga la qabanayo doorashada xubnaha aqalka sare ee gobollada W/qooyi, taasoo muujineysa mashkalad kale soo kala dhaxgashay guddiyada doorashada ee heer federaal iyo heer dowlad gobolleedyada.
 
Ugudanbayn, Lama oga in doorashada xubnaha aqalka sare ee Gobolada Waqooyi in la qaban doono waqtigii ay u asteeyeen gudiga doorashada heer gobol iyo in ay dib uga dhici doonto.

LEAVE A REPLY