Xildhibaanada Dawlada Federaalka Soomaaliya ayaa maanta waxay kulan iskugu yimaadeen Xarunta Golaha Shacabka , kulankan ayaa waxaa Shir Guddoominayay ku simaha Guddoomiyaha Golaha Shacbka ahna Guddoomiye ku xigeenka 1-aad ee golaha Shacabka Mudane Cabdi Wali Ibraahim Sheekh Muudey.
 
Ajendaha kulanka ayaa ahaa Dhaarin Xildhibaan Cabdullahi faarax Wehliye iyo sidoo kale ku dhawaaqista Guddiga Doorashada Guddoomiyaha Golaha Shacabka.
 
Ku simaha Guddoomiyaha Golaha Shacbka ahna Guddoomiye ku xigeenka 1-aad ee golaha Shacabka Mudane Cabdi Wali Ibraahim Sheekh Muudey ayaa ku dhaawaqay Xubanaha Guddiga Doorashada Guddoomiyaha Golaha Shacbka, isagoona ka codsaday in ay si hufan u gutaan waajibkooda dar-dargaliyaana hawsha loo igmaday
 
Intaas kadib, waxaa Magacyada Xubnaha Guddiga Doorashada Guddomiyaha Golaha Shacabka ka hor akhriyay Mudane Mahad Cabdalla Cawad Guddoomiye ku xigeenka 2-aad Golaah Shacabka.
 
Waxaa kulanka soo xiray ku simaha Guddoomiyaha Golaha Shacabka ahna Guddoomiye ku xigenka 1-aad Mudane Cabd Wali Ibraahim Sheekh Muudey, waxaana uu faray dhammaan Xubnaha Guddiga in ay soo qaban qaabiyaan doorashada Guddoomiyaha Golaha Shacabka muddada uu xeeriyey Dastuurka iyo Xeerhoosaadka Golaha shacabka.

LEAVE A REPLY