Xildhibaannada Baarlamaanka Galmudug, ayaa maanta cod aqlabiyad ah ansixiyay Golaha Wasiirada cusub ee maamulkaas, kaddib markii ay maanta kulan ku yeesheen magaalada Cadaado.

Madaxweynaha maamulka Galmudug, Axmed Ducaale Geelle [Xaaf] ayaa Golihiisa Wasiirada hor-geeyay Xildhibaanada Baarlamaanka Maamulkaas, isagoo ka codsaday inay ansixiyaan.

Xildhibaanada Baarlamaanka ayaa cod gacan taag ah oo ay u qaadeen ku ansixiyay 52 xildhibaan, halka mudane ay diideen, wax ka aamusay ma jirto, iyadoo la faray wasiirrada inay hawlahooda u madax-bannaan yihiin.

Guddoomiyaha Baarlamaanka Galmudug, Cali Gacal Casir ayaa sheegay in Xukuumadda ay Ansax tahay, waxaana uu ku War-geliyay in wixii hadda ka dambeeyay ay gudo-geli karaan hawlahooda, lalana xisaabtami doono.

Madaxweynaha Galmudug ayaa ansixinta kaddib wuxuu mahad–celiyay gebi ahaan xildhibaannada maamulkaas, kuwii ansixiyay wasiirrada uu dhawaan soo magacabay kuwii diiday, isagoo baarlamaanka ka dalbaday inay si dhaw ula shaqeeyaan xukuumaddiisa.

Dhanka kale, Xaaf yaa magacaabay afar xubnood oo ka dhinnaa golihiisa cusub ee wasiirrada, kuwaasoo iyagana la meel-mariyay, waxaana lagu wadaa in golaha wasiirradiisu ay dhawaan hawl-galaan.

Ugu dabmeyn, golaha wasiirada Galmudug oo ka kooban 52 wasiir isugu jira wasiiro, Wasiir ku-xigeenno iyo Wasiir-u-dowlayaal, ayaa u badan wasiiradii uu ka tagay madaxweynihii hore e maamulkaas C/kariin Xuseen Guuleed.

Mohamed Salah
Sanaag.so

LEAVE A REPLY