Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobey ayaa isku raacay cunaqabateyn cusub oo ka dhan ah Waqooyiga Kuuriya.

Cunaqabateyntan oo ah dhinaca dhaqaalaha ayaa Golaha Ammaanka uu sheegay inay jawaab u tahay tijaabadii 3-dii bishan ay ku sameysamay Gantaal Nuclear ah.

Safiirka Mareykanka u fadhida Qaramada Midoobey Nikki Haley ayaa sheegtay in Caalamka aysan waligeed aqbali doonin in waqooyiga Kuuriya ay isku hubeyso Bam Nuclear.

Cunaqabateyntan ayaa hadii ay dhaqan gasho waxay Waqooyiga Kuuriya weyn doonta saddex meelood meel saliida ay dibadda u dhoofiso.

Dalalka Gobolka ayaa walaac ka muujiyay tijaabinta gantaalada waqooyiga Kuuriya ay muddooyinkii u dambeeyay tijaabineysay.

LEAVE A REPLY