Golaha ammaanka ee Qaramada Midoobay ayaa Sabtidi, si weyn u cambaareeyay dagaalka u dhexeeya ciidamada daacadda u ah madaxweynaha Koonfurta Sudan Salva Kiir iyo ku-xigeenkiisa Riek Machar.

In ka badan 150 qof ayaa lagu dilay dagaalka, oo ka billowday magaalada Juba, sida uu sheegay af-hayeen u hadlay Machar. Waxa uu intaas ku daray in dhimashada labada dhinac ay intaas ka sii badan karto.

Dagaalka ayaa qarxay Khamiisti, kaddib markii ay kordheen colaadaha qeybaha kale ee dalka Koonfurta Sudan, toddobaadyadii la soo dhaafay.

Colaadda ayaa carqaladeysay nolosha iyo hab nololeedyada.

Qoraal uu soo saaray golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay, ayaa lagu sheegay muhiimadda ay leedahay in lala xisaabtamo xubno ka tirsan ciidmad milateriga.

Sanaag.so

 

LEAVE A REPLY