The International Court of Justice (ICJ), principal judicial organ of the UN, holds public hearings in the case concerning Immunities and Criminal Proceedings (Equatorial Guinea v. France) from 17 to 19 October 2016, at the Peace Palace in The Hague, the seat of the Court. The hearings concern solely the Request for the indication of provisional measures submitted by Equatorial Guinea. Session held under the presidency of Judge Abdulqawi Ahmed Yusuf, Vice-President of the Court acting as President in the case. The Court’s role is to settle, in accordance with international law, legal disputes submitted to it by States (its Judgments are final and binding) and to give advisory opinions on legal questions referred to it by authorized UN organs and agencies. Its official languages are English and French. ICJ news and archives can be accessed via www.icj-cij.org La Cour internationale de Justice (CIJ), organe judiciaire principal des Nations Unies, tient des audiences publiques en l’affaire relative aux Immunités et procédures pénales (Guinée équatoriale c. France) du 17 au 19 octobre 2016, au Palais de la Paix, à La Haye, où la Cour a son siège. Les audiences portent exclusivement sur la demande en indication de mesures conservatoires déposée par la Guinée équatoriale. Séance publique tenue sous la présidence de M. Abdulqawi Ahmed Yusuf, vice-président de la Cour faisant fonction de président en l’affaire. La Cour est le seul des six organes principaux de l’ONU à ne pas avoir son siège à New York. Sa mission est de régler, conformément au droit international, les différends d’ordre juridique soumis par les Etats (ses arrêts sont sans appel et obligatoires pour les Parties) et de donner des avis consultatifs sur les questions juridiques que lui posent les organes et les institutions de l’ONU autorisés à le faire. Pour en savoir plus: www.icj-cij.org

Maxakamada Caalamiga ee Cadaalada ee afka Ingriiska loo yaqaan International Court of Justice oo ku taala Magaalada Hague ee Dalka Netherlands ayaa manta waxay yeelatey Madaxweyne cusub.  Maxakamadaan oo ay hoos timaado Qaraamada Midoobey ayaa saddexdii sanno hal mar ayey waxay doorata Madaxweyne.

Madaxweynahaas oo laga soo dhex doorta Garsoorayaasha dhexdooda, waxaana loo doorta shakhsiga hela aqalabiyada codadka Garsoorayaasha Maxakamadu, doorashaduna waa qarsoodi (secret ballot).

Garsoore Abdulqawi Ahmed Yusuf oo maanta ka hor ahaa Madaxweyne ku xigeenka Maxkamada ayaa Garsoorayaasha Maxkamada u garteen inuu yahay shakhsi hadda u qalma inuu Maxkamada ka noqodo Madaweyne.

Judge Abdulqawi waa garsoore Caalami ah oo Addunyada aad looga yaqaan. Wuxuu mas’uuliyad kala dudwan ka soo qabtey UNESCO, UNIDO, iyo UNCTAD intuusan ku soo biirin Maxkamada Caalamiga ee Cadaalada February 6, 2009. Judge Abdulqawi wuxuu ka soo baxey Kulliyada Sharciga ee Jaamacada Ummada Soomaaliyeed oo xarunteedu tahay Magaalada Muqdishu. Sidoo kale wuxu Doctor International Law ka qaatey Jaamacada Geneva ee Switzerland.

Judge Abdulqawi wuxuu Guest Professor ka yahay Jaamacado ku yaal Switzerland, Italy, Greece iyo Fransiska.

Safiirka Soomaliya ee Wadamada Benelux iyo Midowga Europe Danjire Dr. Cali Saciid Faqi ayaa  doorasha Garsoore Abdulqawi ku tilmaamay  inay tahay magac iyo sharaf weyn u soo hooyatey ummada Soomaliyeed.

Kalsoonida buuxda ee Garsoorayaasha Maxkamada ay siiyeen waxay muujineysa kartida aqoontiisa iyo kalsoonida ay ku qabaan saaxiibkooda ayuu yiri safiirka.

“Aniga oo ku hadlayo magaca Madaxweynaha iyo Xukuumada Soomaliyeed, waxaan  halkaan hambalyo uga diraya Garsoore Abdulqawi Yusuf, Xaaskiisa iyo dhamaan Caruurtiisa, waxaan leeyahay ilaah ha kula garab galo Mas’uuliyada lagu doortey” ayuu yiri danjire Dr. Cali Saciid Faqi.

Sidoo kale Hiiraan Online, Sanaag.so iyo dhamaan akhristayaashooda waxay halkaan hambalyo ugu dirayaan Garsoore Abdulqawi Yusuf. Waxaanu leenahay Guul.

LEAVE A REPLY