Bartamihii bishii November, 2012, waxaanu ku booqanay hoteel uu ka deganaa Dubai Prof. Cabdiweli Maxamed Cali (Gaas) si aanu uga waraysano guud ahaan xaalada Soomaaliya.

Puntland oo markaas lugaha kula jirtay qalalaase siyaasadeed iyo mid dastuur ayaanu diirada saarnay, maadaama uu markaas booqasho kaga yimi si dhowna uu u la socday xaaladaha ka taagan.

Inkasta oo aanu si rasmi ah Madaxwayne Gaas ugu dhawaaqin inuu u tartami doono hoggaanka Puntland, haddana qof kasta oo naga mid ahi wuxuu u arkayey siyaasi mug iyo miisaan leh ayna suurtagal tahay inuu bedelo Cabdiraxmaan Sh Maxamed Faroole Madaxwaynaha Puntland.

Laga soo bilaabo kaabayaasha dhaqaalaha ilaa maamul daadejinta, wuxuu ku dheeraaday muhiimada ay leedahay in Puntland laga hirgeliyo isbedel, loona weeciyo jiho ay kula jaanqaadi karto dunida.
Maamulka Puntland oo xiligaas jiray 15 sano dhaqaalihiisu wuxuu ku tiirsanaa cashuurta laga qaado badeecada ka soo degta dekeda Boosaaso iyo wadada laamiga ah ee ay sii marto.
Inta badan miisaaniyadu waxay aadi jirtay amaanka, mushaharaadka iyo adeegyada hay’adaha dawlada, ma jirin mashaariic lagu kordhiyey kaabayaasha dhaqaalaha, kuwii horena ma haysan dayactir ku filan.
Shakhsi ahaan si gaar ah ayeey iigu muuqatay baahidaasi, laakiin marna ma aaminsanayn inuu Gaas dabooli karo, taasi waxay igu riixday in aan u dhaleeceeyo siyaasadihiisa si furan iyo si xiran.

Marxalad cusub

Sanad kadib, Cabdiweli Maxamed Cali (Gaas) markii baarlamaanka Puntland uu u doortay Madaxweyne, ayuu balanqaaday inuu muhiimada koowaad siin doono kaabayaasha dhaqaalaha iyo horumarinta biyaha.
 
Laga soo bilaabo Ceelal biyood ilaa garoomo diyaaradeed oo caalami ah, Xukuumada Madaxweyne Gaas waxay ku guulaysatay inay Puntland u horseedo horumar la taaban karo oo dhinaca kaabayaasha muhiimka ah.
 
Ma jirin xukuumada hindistay dhismaha wado 5km oo laami ah, balse Madaxweynuhu wuxuu u babac dhigay oo meel fiican marinayaa wado laami ah oo dhan 250Km iskuna xiri doonta Ceeldaahir ilaa Ceerigaabo.
Marna lama hindisin in laga guro ciida buuxisay dekeda Boosaaso oo ahayd isha dhaqaale ee Puntland, laakiin wuxuu ku dadaalay oo ka miro dhaliyey inuu balaariyo dekedii hore uuna ka dhinac dhiso mid cusub oo casri ah.
 
Inkasta oo aysan dunidu weligeed ku aaminin inay geliso $1 oo maalgashi ah Puntland, hadana wuxuu la yimi siyaasado dhiirigeliyey in maanta shirkada DP World ay u hurto aduun dhan 336 malyan oo doolar.
 
Xirfadaha hoggaamineed ee Gaas waxaa ka maro kacaya sida uu ugu guulaystay muddada kooban inuu DP World ka helo heshiis la dhigan kii dekeda Berbera oo iyadu ka istaraatijisan kana weyn tan Boosaaso.
 
Wuxuu u dhaqaajiyey Puntland hanaanka asxaabta badan isagoo ku dhawaaqay in la furan karo ururo siyaasadeed, si looga gudbo hanaanka awood qaybsiga beelaha oo ah mid ragaadiyey maamulkaas.
 
Madaxweynayaashii ugu horeeyey hogaanka dhammaantood waxay wakhti badan geliyeen sidii mar labaad loogu dooran lahaa xafiiska, si ka duwan taas wuxuu cadeeyey inuusan u hamuun qabin soo laabasho.
 
Talaabadaasi waa mid ku cusub dhaqanka siyaasadeed ee Soomaalida, waana mid muujinaysa sida ay uga go’antahay Madaxweyne Gaas inuu uga tago dadkiisa dhaxal la taaban karo iyo waxqabad muuqda.
 
Tafatiraha warsidaha Faaqidaad.

LEAVE A REPLY