Madaxwaynihii hore ee Puntland Cabdiraxmaan Sheekh Maxamed Maxamud Faroole, hadana ka mid ah Xildhibaanada Aqalka sare ee Soomaaliya ayaa ka hadlay arrimo ku saabsan Dastuurka Somalia iyo kan Puntland kadib mar uu maanta ka qayb galay munaasabad xariga looga jarayay xarunta cusub ee wasaaradda Maaliyadda ka dhisatay magaalada Garowe.

Farole ayaa khudbadiisa ku beeniyay hadal shalay kasoo yeeray wasiirkii hore ee howlaha Guud Cabdirashiid Maxamed Xirsi kaasoo sheegay in dastuurka Puntland dhowr jeer wax laga badalay islamarkaana u gogol xaarayay codsi beesha Tanade ku raadinayso in la kordhiyo tirada golaha Wakiillada.

“Hadalka aan dhagaysto oo Cabdirashiid uu yiri Dastuurka Saddexda nin ee saxiixay ayuu ku jiraa isagoo Guddoomiye Barlaman ahaan, Aniga iyo Allaha u naxariistee Cabdi Xasan Jimcaale, Waxba waligii lagama badalin waa Been, kii ka horeeyay ee horay u jiri jiray ee Axdiga la oran jiray la isticmaali jiray marka degmo la ansixinayo, ama gobol looma furin Dastuurka waxna lagama badalin, waxaa lagu ansixiyaa oo kana ku qoran hadii degmo la magacaabo oo dowladdu magacowdo ama la magacaabo gobol Barlamanka ayaa la geeyaa Barlamanka ayaa ansixiya oo aqbala. Ansixinta iyo Dastuur wax ka badalis labo shay ayay kala yihiin, taas waa inaad fahamtaa, arrinta runta ah taas weeye,” Ayuu hadalkiisa ku daray Cabdiraxmaan Farole.

Cabdiraxmaan Faroole oo gacanta ku haystay Dastuurka Puntland, ayaa ka sheekeeyay qaabkii lagu qaybsaday Xildhibaanada iyo sida gobollada Puntland loogu qaybiyay iyadoo lagu salaynayay deegaan, isagoo tilmaamay in ciddii tabasho qabta ay u raadsadaan gobolka ay kasoo jeedaan.

” Dastuurka Puntland kuma dhisna Qabiil, wuxuu ku dhisanyahay Deegaan, markii halkan Garowe lagu dhisay Puntland deegaamo ayaa loo qaybshay, degmooyinkii markaa jiray ayaa lagu qaybshay gobolka Nugal 11 ayuu lahaa, Odaygii markaa shirka maamulayay Islaam Maxamed ayaa markii Bari qolo wax saluugta 1 ayaa laga gooyay Nugal oo lagu daray, Sanaag markii ay ku hishiin waayeen deegaanka dadka degan hal ayaa laga gooyay Nugal oo lagu daray Ceerigaabo ayuu raacay, Mudug iyo ciideeda Kilinka Shanaad xigta ee aan lakala saari karin 10 xubnood ayay lahaayeen deegaankaas hoos u daadagiisa Qabiil ayay ku qaybsadeen iyo deegaan waxay doonaan ha yiraahdeen,” Ayuu yiri Faroole.

Faroole oo sidoo kale ka hadlayay Shirka ay isugu yimaadeen qaar kamid ah Isimada Puntland oo casuumad ka helay beesha Tanade ayaa u sheegay inaysan khusayn arrimaha ku saabsan furista Dastuurka Puntland iyo wax ka badalistiisa.

“Odoyaasha halkan la isugu yeeray ee lasoo lugooyay Wax dastuur ka khuseeya oo galay ma jirto, hada ma fadhidaan waxba kuma lihidin, taladiinii waa dhammaatay Xildhibaano ayaa doorateen, Xildhibaanadii iyagaa mas’uuliyad saarantahay Madaxweyne ayay doorteen, Gole Wasiir ayaa lasoo dhisay, Baralamanka ayaan ansixiyay, idinka shaqadiinii waa dhammaatay suga inta u dhiman ee halka sano iyo barka ah, waxaan filayaa doorasho qof iyo cod ah inaan laga gaari karin, markaas ayaa la idiin imaanayaa suga dadka ha wareerinina,” Sidaas waxaa hadalkiisa ku daray Faroole.

Farole ayaa cidd tabashada qabtay u sheegay inay la xaalaan qabaa’ilka kasoo jeeda gobolkood, isagoo yiri “Reer Mudug hadii ay wax isaga maqanyihiin dib isugu noqda, Nugaalba waa la qaybiyaa waxbaa la isu celiyaa waa meerto, halkaas ka saxda wixii idin ka maqan.”

Cabdiraxmaan Farole ayaa sidoo kale soo hadal qaaday xilliga la furi karo Dastuurka Puntland, isagoo xusay in qodobka 60-aad uu dhigayo in la helo Afti dadweyne si dastuurka wax looga badalo.

Cabdiraxmaan Faroole ayaa soo noqday Madaxweynaha Puntland mudadii u dhaxaysay 2009 ilaa 2014.

Madaxweynaha Puntland Cabdiweli Gaas oo shalay ka qaybgalay shirka Isimadda ayaa sheegay in loo baahan yahay in la cusboonaysiiyo axdigii lagu dhisay Puntland, waxaa kaloo uu muujiyay sida uu doonayo in dib loo furo dastuurka Puntland oo la qanciyo beelaha wax ka tabanaya awood-qaybsiga Puntland, taasi oo uu ku raacay Wasiirkiisa Howlaha guud oo hore u ahaa guddoomiyihii Barlamaanka Puntland ee xukuumadda C/raxmaan Faroole.

Halkan hoose ka dhagayso

contact@sanaag.so
Sanaag.so

LEAVE A REPLY