Farmaajo ayaa kullan qado ah la qaatay xubnaha aqalka hoose iyo aqalka sare Puntland /SAWIRQAADE Cali Ducalle
Ra’iisul Wasaarihii hore Soomaaliya ahna murashax Madaxwayne Mudane Maxamed Cabdilaahi Farmaajo ayaa kullan qado ah la qaatay xubnaha aqalka hoose iyo aqalka sare Puntland u matalaya Baarlamaanka dalka, kullanka ayaa ka qabsoomay Hotel Jazeera.
 
Murashax Cabdilaahi ayaa is barasho ka dib xubnahan u jeediyay Khudbad uu ku soo bandhigay waxa uu doonaya iyo wixii uu soo qabtay muddadii koobneyd ee uu xilka Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya hayay, wuxuu sheegay inuu u socdo sidii uu u beddeli lahaa wuxuu ugu yeeray dhaqan xumo siyaasadeed oo 26-sanno waddanka ka jirtay.
 
Musharax Maxamed Cabdullahi (Farmaajo) Wuxuu kala uu sheegay in awooda koowaad ee dhaqaankaa beddeli kartaa ay tahay Baarlamaanka dalka, taas oo macnaheedu yahay in la helo isbeddel loo horseedo Shacabka Soomalaiyeed.
Ugu danbayn, Qaar ka mid ah xildhibaanada labada aqal oo hadalo soo jeediyay ayaa ka mahad celiyay marti qaadka uu murashax Farjaamo sameeyay waxa kale ay sheegeen in ku qanceen aragtida siyaasadeed ee uu Farmaajo jeediyay.
Sanaag.so

LEAVE A REPLY