Doorashadii Madaxwayne Maxamed Cabdullahi Farmaajo ka dib, waxaa dhammaan Jamhuuriyadda Federaalka ee Soomaaliya iyo dhulka kale ee soomaalidu ku dhaqan tahay ka bilaamay dabaal-deg, damaashaad iyo farxad lagu soo dhoweynaayo guusha Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo.
 
Caasimadda dalka Soomaaliya, magaalada Muqdisho iyo guud ahaan magaalooyinka waaweyn ee Soomaaliya ayaa si aad ah looga dabbaal-degey. Dhamaan ummadda soomaaliyeed inteeda badan waxaa ka muuqday farxad iyo dareen guul weyn xanbaarsan oo aan la soo koobi karin.
 
Damaashaadka iyo farxadda ayaa socon doonta sida la filaayo dhowr ayaamood ama ugu badnaan hal usbuuc. Ka dib waxaa bilaaban doonta su’aalo badan oo ku wajahan mustaqbalka iyo siyaasadda Madaxwaynaha cusub Mudane Maxamed Cabdullahi Farmaajo.
 
Haddaba faalladan aan ugu magac daray ” Damaashaad ka dib-dalku see noqon” waxaa aan ku qaadaa-dhigi doonaa arrimaha horyaal madaxweynaha cusub dhinaca fursadaha iyo caqabado intaba.
 
Siyaasad qeexan balse taxadar iyo deganaan leh inkastoo sida dastuurka Soomaaliya dhigaayo aanu madaxwaynuhu shaqo ku lahayn howlaha dawlada, haddana sidaa lagu bartay madaxweynayaashii hore, waxaa dhici doonta in madaxwaynuhu saamayn weyn ku yeesho dawlada la dhisaayo iyo waddada ay qaadi doonto.
 
Madaxwaynaha cusub mudane Farmaajo waxaa laga doonayaa inuu la yimaado barnaamij siyaasadeed oo qorta-dheer leh oo miisaaman, kuna wajahan mustaqbalka fog. Waa in marka qorshahaan la dejinaayo lagu jaangooyaa waxa aan dooneyno, ka dibna loo sii dhaadhacaa waxa aan kari karno ama aan awood u leenahay inaan qabano. Dawlada la dhisayaa waa in ay noqotaa mid isu dheelitiran oo is-dhamaystirta dhinac walba. Talaabo kasta oo ay dowladu qaadeyso waa in ay hal-beeg uga dhigtaa, maxaan doonaynaa, ka dibna lagu xejiyaa waxa aan doonayno, ma awoodnaa inaan wakhtigan xaadirka ah dhaqangelino ama aan ka dhabayno? Waa in dowladu tiraahdaa hadalkaas ama fariintan ma hadda ayaan dirnaa oo sheegnaa mise wakhti kale ayay ku haboon tahay!
 
Kolkii qorshe siyaasadeedka taxadarka leh la yagleelo, ayaa loo gudbayaa qabkii iyo wakhtigii la fulin lahaa, meeshii laga bilaabi lahaa iyo meeshii uu ku dhamaan lahaa. Siyaasadu waa in ay ahaataa mid sal leh, fadhida, xorna ka ah laab-la kac iyo jidbo- siyaasadeed balse waa in ay lahaataa feker iyo qorshe ku wajahan wakhtiga dhow iyo kan fogba. Waa in ay aysan ahayn mid wakhtiga hore ee aad curdinka tahay kugu furta mowjado mucaarad ah iyo qalalaase siyaasadeed xannibaad ku noqda yoolkii iyo himiladii aad higsanaysay.

Xamaasad wadaniyadi ku dheehan tahay

Dadka iyo dalka Soomaaliyeed waxaa ay soo mareen 27 sano oo bahdil, quursasho , faragelin siyaasadeed, dhaqaale burbur ,Ururo diimeed, Burcad-badeed iyo waxyaalo kale oo badan. Waxaa dhumay oo meesha ka baxay masiirkii dadka iyo dalka soomaaliyeed lahaa. Soomaalida ayaa dhib badani soo gaaray. Shisheeye leh dano gaar ah ayaa masiirkii wadanka gacanta u galay. Dalkii oo dhan baa noqday meel ay Ururada aan dawliga ahayn (NGO) xakumaan ama wax u yeeriyaan.
Baarlamaanadii la soo maray iyo Xukuumadihii KMG aha ee, odayaashii dhaqanka iyo hadday aqoonyahan noqon lahaydba, dhammaan waxaa la noqday dad maqaarsaar ah oo qaab dano Ummado kale oo shisheeye u shaqeeya. Taasi waxaa ay dhalisay in dadkii Soomaaliyeed bilaabeen kacdoon wata bannaanbaxyo ay ku soo dhoweeyanayaan Madaxwayne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo shacabku fikirka ka xorroobaan.
 
Labada aqal ee baarlamaanka waxaa xoog ku yeeshay xildhibaanada isbedel doonka ah ee dareenka shacabka aan soo sheegnay ka turjumaaya. Ereyada wadaniyadu ku dheehan tahay oo dhammaan musharaxiinta , xildhibaanada iyo guud ahaan ummadu ku dhawaaqayeen ayaa ahaa ” Soomaaliya soomaali baa leh, dalkaan anagaa iska leh, ajnebiga weliba wadamada derisku ha naga baxeen.
 
Dhinaca musharaxiinta madaxweyne doonka ahaa waxaa ugu cod dheeraa Maxamed C.laahi farmaajo oo lahaa dalkaan inagaa iska leh ,waana inaan isku tashanaa, midownaa, musuqmaasuqa la dirirnaa, danyarta wax tarnaa, cadaalad keenaa, ciidankeenii dhisanaa, dalalka shisheeye ee inagu qasan iska saarnaa. Baarlamaanku kolkii uu dersay musharaxiintii waxaa ay cod aqlabiyad ah siiyeen mudane Farmaajo oo haatan loo doortay madaxweynaha jamhuuriyada federaalka soomaaliya.
 
Haddaba su’àasha meesha ku jirtaa waxaa weeye. Doorasho iyo dabaal-deg ka dib maxaa dhacaya? Damaashaad ka dibse, dalku see noqon?
 
Ereyadii wadaniyadu ku dheehnayd ee ee wakhtigii doorashada socday miyaa la isticmaalayaa oo la dhaqan gelinayaa mise luuqada waa bedelmi doontaa oo kelmadu iyo odhaah xirfadaysan baan la iman doonaa?
 
Fikir ahaan waxaan anigu aaminsanahay in ay muhiim tahay in luqada xamaasadaysan ee la isticmaalaayo la joojiyo dawlad iyo shacaba, laguna bedelo mid leh u jeedo xirfadaysan walow uu yoolka la higsanayaa isku mid noqon karo.
 
Waxaa muhiim ah in dawlada iyo madaxwaynuhuba raacaan oo isticmaalaan fursadaha ay sharciyada caalamigu ina siinayaan. Tusaale ahaan inaan nahay wadan xor ah oo arrimihiisa u madax banaan (sovereign state). Waxaa muhiim ah in laga taxadaro hadallada caadifada dhalin kara, kuguna soo jeedin kara cadowgaaga oo maanta kaa xoog badan. Siyaasad qabow oo gobannimo ku dhisan gawsaheenna ku qabsano.
Ciidankaaga dhiso, dalkaaga ka shaqee, dadkaaga Hore-u-mari, dib u heshiisii, isu keen oo midday, tusaale u noqo oo abuur dareen inaan isku tashano, cadaaladana ku dadaal. Ka fogow durbaan caadifadaysan oo cadowga kugu soo jeediya, isticmaal siyaasad qabow oo laga fekeray, adigoo yaqaan cadowgaaga iyo saaxiibkaaga.

Yagleelid hay’ado Dawli ah oo hufan

Waxaa muhiim ah in dawladu dib u soo celiso hab-dhaqankii dawliga ahaa, kaas oo waayadaan dame laga huleelay. Dawaladu waa hay’aadka hoose iyo waaxyaha yar yar. Wasiiradu waa qorshe dejiye iyo hoggaamiye basle haddaan hay’ad dawli ahi jirin ,dawladu kolkaas waxaa ay noqoneysaa mid aan lahayn saldhig ay ku fariisato. Inta aadan lahayn sal aad ku fariisataana lagama yaabo inaad wax qabato, horukacna aad samayso. Dowlad wanaag (good governnance) waxaa uu ka bilaabaa waaxyo iyo hay’ado dawli ah oo dhisan. Waa inaan dowladu noqon mid madax ka nool ah oo ku urursan madaxtooyada, wax walbana laga sugo madaxwaynaha.

Dawlad gobolleedyada

Nidaamka dawlad goboleedyada waa mid ku qoran dastuurka, muddana laga soo shaqeynaayey, una baahan in madaxwaynuhu si taxadar leh u wajaho. Maadaama ay inagu wareegsan yihiin dawlado aan jecleyn in soomaaliya cagaheeda isku taagto, waxa loo baahan yahay in aan caddow gudaha ah la abuurin. Nidaamka dawlad goboleedyada waxbaa ka dhiman ,waana la sixi karaa oo la toosin karaa balse haddii madaxweynhu hadda nidaamkaas iskudayo inuu wax weyn ka bedelo ama meesha ka saaro,waxaa imaanaaya iskudhac iyo mucaaradnimo, taasoo caddowguna ka faa,iidaysna karo. Sidaas darteed waxaa muhiim ah in madaxwaynaha iyo dawladiisu ay dejiso nidaam qabow oo siyaasad ah oo mustaqbalka ku wajahan, kaasoo dowlad gobolleedyadu qayb ka yihiin balse go’aanka qaran ay dawlada dhexe leedahay. In siyaasada aan dooneynaa innaga dhexdeena ku qafilanto oo kasoo dhamaan weydo, waa sida uu caddowgu rabo. Dowlad dhexe oo wax walba caasimada loo soo doonto siddii waagii hore ma aha mid ka turjumaysaa wakhtigan casriga ah iyo soomaaliyada cusub. Waa in wasaaradaha, wakaaladaha, jaamacadaha, iyo dhammaan hay’aadka iyo kaabayaasha dhaqaalaha lagu fidiyaa dalka oo dhan. Magaalada Muqdisho ee caasimada ahi ma qaado soomaali oo dhan. Fursaduhu waa in ay dalka oo dhan ka jiraan ee aan caasimada lagu soo koobin.

Midnimada dada iyo dalka Soomaaliya

In wasaarada arrimaha gudaha iyo dastuurka la sameeyo, oo ay masuuliyadeeda qayb ka mid ahi noqoto in dadka soomaaliyeed iyagoon la kicinayn lagu wacyigelio muhiimada uu wadajirku leeyahay. In dadka la tusaaleeyo in diinta islaamka iyo dhaqanka suubaniba kasoo horjeedo ina ummadda tafaraaruqdo oo la kala tago. In dowladu dadkeeda tusto caddaalad muuqata si loo helo kalsoonida shacabka. In umadda lagu wacdiyo inaan dalkaan wada leenahay, masuuliyadna inaga saaran tahay inaan wadadhisano oo wada ilaashano. Waa in ummadda lagu baraarujiyaa muhiimada ay leedahay in la wadajiraa, dhaqaale ahaan, nabadgelya ahaan iyo dhinaca walba. Gacmo iney wadajirka wax ku gooyaan waa iney saldhig iyo hal kudhig bulshada u noqtaa. Qadiyada Somaliland waa in si xikmadaysan oo tixgelin leh loo wajahaa, la wada hadlaa oo la isqanciyaa. Iyadoo mar walba aasaasku yahay awood qaybsi cadaalada ku dhisan iyo inaan dalkaan wada leenahay. Qowmiyado inaga badan oo kala diin, dhaqan iyo af ah ayaa wadadegan oo dal wadaaga. Ma aha wax adag in arrinka somaliland xal loo helaa kol haddii si ixtiraam iyo qadarin leh la isu qaabilno.

Xabad-joojin iyo baaq nabadeed

Dawlada madaxweyne Farmaajo waa iney ku dhawaaqadaa xabadjoojin iyo wadahadal lala gelaayo cid walba oo dooneysa in dalka iyo dadka soomaaliyeed la badbaadiyo. In aan dalkaan wada leenahay ,ayna waajib inagu tahay inaan wada dhisano oo horumarkiisa ka shaqeyno. Qorshahaan nabad-raadinta ah waxaa lagu darayaa ina lagu heshiiyo wakhtiga ay xoogaga ajnebigu soomaaliya ka baxayaan si ciidanka soomaaliyeed ula wareegaan ilaalinta nabadgelyada . Jedwal ayaa loo samaynayaa dhamaan ciidanka ajaaniibta ah kaasoo ay dalka kaaga baxayaan. Si taxadar leh ayaa horay loogu soconayaa.Talaabo kasta in si miisaan leh loo qaado, si miisaan iyo ka fiirsaho lehna loo dhigo baa la doonayaa. Taas ayaa suurtogelin karta in la gaaro yoolkii aan rabnay, oo ku salaysan nabad, horumar iyo isku filnaan.
Ugu danbayn,  Farmaajo! Damaashaad iyo Farxad ka dib-Dalku see noqon! halkudhiga dawladu waa inuu noqdaa: Aan tallaabo walba u qaadno si miisaan leh, fiiro dheerna u yeelano meesha aan doonayno! Akhriste waxaan aaminsanahay in qorshahaan aan kor ku ku xusan yahay midka dawlada farmaajo guul ku gaari karto iyadoon ciddina carqaladayn.
Cabdirisaq Maxamed Xuseen
habdirisak@hotmail.com
Eskilstuna, Sweden
Sanaag.so

LEAVE A REPLY