Wasiirka Arimaha Gudaha Somaliland Yaasiin Maxamuud Xiir Faratoon oo maanta ka hadlayey Xaflad lagu Daahfurayey Qaadashada Kaadhadhka Codbixinta Doorashada Madaxtooyada Somaliland oo Laascaanood lagu qabtay ayuu ka sheegay in ay Madaxda Maamulka Puntland oo ay wada xiriireen ay Isku Afgarteen in aanay Carqaladayn inta Arimaha Doorashada Somaliland socoto.
”Puntland waxaan u sheegaynaa oo aan ka wada hadalnay  oo aanu si wayn iskaga af garanay dhowaan mar aanu is aragnay , in ay arintaasi ilaaliyaan, in muddadaasi diiwaan gelinta aanu ku jirno,  aanay sidii hore u dhici jirtay anay dhicin in ay na carqaladeeyaan” ayuu yidhi  Faraton Wasiirka Arimaha Gudaha Somaliland.
Hadalka Wasiir Faratoon ayaa kusoo aaday wakhti aan Maamulka Puntland oo sheegta Gobolada Sool, Sanaag, iyo Cayn  aanay ka muuqan wax dhaqdhaqaaqa oo lagag hortegayo Doorashooyinka Mudooyinkanba Somaliland ka waday Gobolada Sool Sanaag iyo Degmada Buuhoodle ee gobolka Cayn. 
 
Maamulka Somaliland ayaa dhowaan soo dhigtay Sanaaduuqdii Diiwaangelinta Codbixiyayaasha Dhabarka Dambe ee Madaxtooyadda Puntland. Mana jirin haba yaraatee wax ka hortag ah oo ka muuqday Madaxda Puntland.
 
Sidoo kale hadalka Faratoon ee ku saabsan heshiis hoosaadka ay arimahaas kawada galeen Madaxda Puntland ayaa marag fur u ah Khiyaamada iyo Dhagarta Maamulka Puntland ku hayo Gobolada Sanaag, Sool iyo Degmada Buuhoodle ee  gobolka Cayn.
Sanaag.so

LEAVE A REPLY