WQ: Mohamoud Musse A Arre

Dantaa camalaa dunida loo joogaa, oo qof ilaa Qaran waxa loo xusul-duubayaa danqunsi iyo damac-higsi… Haatan, illeyn, faal caytamay af lagama dhawree, runta ma idiinku dhukayaa; Hadalkii qaynuun ka boodka ahas ee Carabkii DP WORLD ku qawlay gartiis buu ila ahaa; illeyn dan layskulama yaabee.. 

Marba haddii, illeyn Nin aan waxa soo socda garani, waxa joogana ma gartee, ay UAE ogaatey in mustaqbalkeeda dhaqan-dhaqaale mugdi gelaayo, haddii nidaam dawladeed iyo kaabayaal dhaqaale ka hirgalaan Soomaaliya; maxaaba kale oo u eg?; oon ka ahayn in ay la dagaallanto Dawlad ka hano-qaadda iyo dekedo ka hir gala Geeska Afrika (Soomaaliya Iyo Djibouti).

Sidaas darteed, wararkii Soomaaliya khuseeyey maanta 04/03/2018 waxa iila muhiimsanaa; kii ay idaacadda BBCdu ka soo werisey Ninkii Carbeed ee ku hadlayey codka Shirkad ay leedahay Dawladda Imaaraadka Carabtu oo lagu magacaabo DP WORLD. HAA, Shirkaddaasi kuma cusba dhegaha Soomaalida; waana shirkadda beryahan xufka iyo toobinka u sidadtey, u soo dhiilo dhaansiga la wareegidda maamulka Furdooyinka iyo Dekedaha Soomaaliya iyo Jabbuuti; taasoo ilaa hadda qaadadtay Dekedaha Berbera iyo Boosaaso; Jabbuuti mid faro ciddi leh kaga ceshadtey, kaddib markii ay ogaadtey in aysan maalgashi horumarineed u gol lahayn ee qorsheheed yahay dib-u-ridid iyo dhacanta uga dheerayn mustaqbal (xayirid, xannibid iyo xidhid).

Soomaaliya gaar ahaan, qorshahaas la wareegidda Dekedoheedu wuxu (isagu) ku sii salaysnaa ka hortegid dawlad Soomaaliyeed; maaddaama Xilligan hore ee nidaamka dawladeed bilowga yahay ay dekeduhu yihiin ilo’dakhliyeedka irmaan ee laga heli karo dhaqaale lagu dhaqdhaqaajo hawlaha bilowga ah sees u dhigidda iyo yagleelidda dawladeed.

Haddaba, maaddaama Dawladda Imaaraadku (UAE), ay horeba, Dawlad Soomaaliya yeelato walbahaarkaa weyn ka qabtay; ooy wadnaha farta kaga haysey in dib’u-xasilidda Soomaaliya ay u horseedi doonto albaabbo u laabidda dekedaha Dubay iyo AbuDubay oo macnawi ahaanna sii ah dhammaadkii Xarun Ganacsi ahaantii UAE; maxay ka sugtaa, Illeyn, ”Daad intaanu iman baa layska moosaa e”.

Su’aasha lays weydiin karo ee meesha ku jirtaa waa maxay dekedaha Soomaaliya iyo Jabbuuti halis ugu yihiin kuwa UAE (IMAARAADKA).

Jawaabtu waa caddahay, muran iyo mugdina kuma jiro…

UAE waa fahamsan tahay in dhab ahaan Xeebaha Geeska Afrika ay 100% uga habboon yihiin kuwa IMAARAADKA; maaddaama:

  1. Ay ku yaalliin Qaaradda Afrika oo ah suuqa ugu weyn ee iibsada badeecadaha UAE dekedda u tahay.
  2. Ay ku yaalliin Badda Cas oo marin u ah shixnadaha ka yimaadda Qaaradaha Yurub iyo Ameerika.
  3. Ay ku yaalliin Badweynta Indiya oo ah marin u ah badeecooyinka laga soo waaridoWaddamada Bariga fog ee Aasiya iyo Australia…

Sidaa awgeedna ay Dekedaha Soomaaliya u noqon doonaan wershedlayda meel ay badeecooyinkooda gacmaha ugu dhiib dhiibaan kuwa iibsada ee loo wado.

Iyadoo duruuftaas la legdamaysa ayaa haddana waxa UAE ay heshay debenruug labaad, ka dib markii ay soo ifbaxday Sucuudiga oo aad u dhibsaday mawqifkii dhexdhexaad ka noqoshada xurguftii Carbeed ee Dawladda murjuca ah ee Federaalka Soomaaliya qaadadtay.. taasoo UAE u furtay fursad kale ooy gabbood uga dhigan karto wiiqidda dedaallada nugul ee dawlad ku soo dabbaalidda Soomaaliya; illeyn “Dirxigu qudhunka dantiisuu ugu jiraa e”.

Kolkaas, iyadoo UAE hadafkaas leh, si ay ku higsadto aad bay u ogayd in ay u baahan tahay galaangal iyo saamayn badan ku yeelashada Soomaaliya, gaar ahaan siyaasi kasta, bulsho kasta iyo maamul aageed kasta oo wax uga tari kara danohooda gaarka ah.Taasi waa bartilmaameedka kowaad ee keenay in UAE Soomaaliya u muujin haysey is dhuldhig caawimo siin iyo ku dhowaansho kasta.

Haddaba, markii xukuumaddu anfidey, kuna gacansaydhay heshiiskii saami qaybsiga Dekedda Berbera… Maxa soo baxay; waxa soo baxay wixii soo baxay. 

Aragtidayda wixii soo baxay waxan u arkaa sidan hoos ku qoran :-

Hadalkii carabku wuu qaawanaa oo cadho ayuu is celin waayey… cadhadiibaa hanjebaad culus ka keentay; wuxu ku hanjebayey oo ogaa siyaasadda ay Dawladaha Sucuudiga iyo UAE iyo xulufadoodu go’aansadeen inay kula dhaqmaan Soomaaliya.

Waxa uu hadalkiisu ku caddaa, kuna badhaxtirnaa; in ay awooddooda oo dhan saari doonaan in aysan Dawlad Qaran Soomaaliyeed dhalan oo tisqaadin (Waayo waxa uu Nuxurka hadalkii Carabku ahaa “Berbera Dawladda Soomaaliya kama taliso, kamana Talin doonto; Yacni: Haddadba dawlad talisa noqotaan naga hor istaaga qaadashada Dekedaha Dalkiinna). Intaasba waxa ka sii werwer badan ifafaalaha ka sii dhex muuqda ee fartu ku godan tahay in aanu heshiiska Dekedda Berbera ku ekayn keliya UAE ee ay Ethiopia qudheedu haatan ku biirtay xulafooyinka guddoonsaday geed dheer iyo geed gaabanba u fuulidda Burbur ku sii haynta Soomaaliya (waana mid aan filayo inay maalin dhaw iyana la badheedhi doonto); illeyn ”Ninba wuxuu qabo Qardho la iman doonee’ e oo War jiraana cakaaruu iman e.

Ugu dambayntii, waxa hogo tusaalaynta arrimeed tahay: ceel uma qodna cidina, uma maqna; Hawshuna waa mid dhab ahaan culus oo caqabad adag ah oo Villa Soomaaliya u taal, ummadda Soomaaliyeed u taal.

Talose waa tan Ilaah ee ma aha tan aadane; balse ”Xaglo laaban xoolo kuma yimaadaan”.

Mohamoud Musse A Arre

LEAVE A REPLY