Maamulka Somaliland ayaa xabsiga dhigay Fannaanka Farxaan Xidig oo kamid ah  Bahda Suugaanta Soomaalida kaasi oo muddo ku noolaa Qurbaha, balse muddooyinkii dambe ku sugnaa deegaanada ay Maamusho Somaliland.

farxaan xiddigXiddig ayaa ku xidhan xarunta danbi baarista magaalada Hargaysa, waxaana la filayaa in maxkamad la hor geeyo.

Fannaankan ayaa loo haysto arrimo ka dhan ah madax banaanida maamulka Somaliland isagoo lagu soo eedeeyay inay degmada Boorame ee gobolka Awdal ka abaabulayay qorshayaal wax u dhimaya jiritaanka maamulkaasi.

Warar kale oo soo baxaya ayaa sheegaya in loo xiray howlo la xiriira siyaasadda iyo qorshayaal oo ku doonayay inuu kaga mid noqdo golaha Barlamanka Soomaaliya.

Majirto ilaa hadda cid ka hadashay xadhigga fannaankaas oo lagu xayo xabsi ku yaalla Magaalada Hargaysa.

Sanaag.so

LEAVE A REPLY