Guud ahaan dalalka Caalamka waxaa ka bilaabmay dhaqdhaqaaq ay wadaan qaar ka mid ah Jilayaasha, Ciyaartooyada caanka ah ee reer Galbeedka, kuwaas oo bilaabay Olole ay ugu gurmanayaan dadka ay abaartu saameeysay ee Dalka Soomaaliya.

Jilayaasha iyo Ciyaartooyada caanka ah ayaa bilaabay Olole ay halkudhig uga dhigeen #lovearmyforsomalia ka dib markii ay codsi u direen Shirkada Caalamiga ah Turkish Airlines in ay siiso diyaarad u qaaada gargaarka iyo cuntada ay doonayaan in ay u daad gureeyaan dalka Soomaaliya.
Taageerayaasha ayaa ururiyey deeq dhan $903,310 oo ay ka qayb qaadteen in ka badan 31,989 qof wax ka yar 17 sacadood. EEG Ololaha ay wadaan Jilayaasha iyo ciyaartooyada #lovearmyforsomalia.

Baraha Internetka iyo goobaha ay bulshadu ku sheekaysato ayaa Ololahani ku baahay markii shirkada Turkish Airlines si degdegleh uga soo jawaabtay iyadoo sheegtay in codsigaasi ay ku faraxsan tahay inay aqbalaan oo ay ka qayb qaataan. #turkishArlinesHelpSomalia

LEAVE A REPLY