Mudane ka tirsan xildhibaanada Puntland Xuseen Guure (Shaacuur) ayaa shaaca ka qaaday Fadeexad haraysay Xildhibaanada Puntland, taas oo ah in mid kasta oo ka mid ah 66 Xildhibaan ee Puntland la siiyey Lacag Laaluush ah oo dhan 28000 US DOLLAR (USD).

Xildhibaanka oo laga soo doortay Gobolka Nugaal ayaa sheegay in Mudanayaasha Aqalka Wakiilada Puntland ay lacagtan u qaadteen ansixinta Mashaariicda dib u dhiska kaabayaasha dhaqaalaha ayna ansixiyeen heshiiskii Puntland ay la gashay DP World / P&O Ports.
Sida ay qortay Shabakadda Garoowe Online ayaa lagu yidhi in Mudanahani lacagtii uu qaatay dhankiisa uu ku wareejiyey Ciidamada Puntland ee ka hawlgala gobolka Mudug, balse ma uu sheegin waxa uu ugu wareejin waayey Ciidamada Puntland ee gobolka Nugaal ee laga soo doortay maadaama ay ciidamadu meel kasta ay joogaan isku baahi yihiin, haddii ay arintani dhab tahay!.
“Maadaama lacagtan ahayd hanti qaran, waxaan go’aansaday in aan ku bixiyo howlaha dadka ka dhexeeya, waxayna noqotey in markaan eegay baahiyaha ciidamada haysta in ay yihiin midda ugu mudan ee lagu bixin karo”. Sidaas waxaa yiri Xidhibaan Shacuur.

Si kastaba ha haatee, Mudanayaasha barlamaanka Puntland ayaa kalfadhigoodii 39 aad ay kalsoonidii kala laabteen oo ay rideen golihii wasiirada Puntland.

Xildhibaanada ayaa kalsooni kala laabashada xukuumada u sababeeyey waxqabad la’aan,xaalada amniga oo sii xumaatay, dhaaqale burbur dalka soo wajahay, xuquuq la’aanta ciidanka, sicir barar baahsan, Musuqmaasuq, xil gudasho la,aan.

Ugu danbayn,  Mudanayaasha baarlamaanka Puntland ayaa looga fadhiyaa in ay jawaab cad oo waafi ah ka bixiyaan eedaynta culus/ fadeexadda uu soo jeediyey mid ka mid ah xildhibaanada Puntland.

Wixii war ah oo danbe kala soco Sanaag.so

LEAVE A REPLY