Warar lagu kalsoonaan karo oo aan ka helnay ilo kala duwan ayaa sheegaya in Sarkaalkii ONLF ka tirsanaa ee todobaadkii hore la keenay Muqdisho loo gacan geliyay dowladda Itoobiya.

Sarkaalkan oo lagu magacaabo C/xakiin Sheekh Muuse (Qalbi Dhagax) ayaa ahaa Madaxii Xarunta Dhexe ee Ururka ONLF, waxaa bartamihii bishan laga qabtay Koofurta Gaalkacyo, iyadoo loo gudbiyay Cadaado.

Ciidamo ka tirsan Nabadsugida Soomaaliya ayaa jimcihii la soo dhaafay keenay magaalada Muqdisho, kaddib diyaarad looga soo qaaday Cadaado.

Mas’uuliyiin ka tirsan maamulka Galmudug ayaa aad uga carooday howl galka Ciidamada Nabadsugida ay Sarkaalkan uga qabteen deegaanada ay ka taliyeen, iyagoo ka dalbaday in gacanta Galmudug lagu soo celiyo.

Wararka ayaa sheegaya in dowladda Itoobiya ay dalbatay in Sarkaalkan lagu soo wareejiyo, waxaana la sheegay inay u martay Mas’uuliyiin ka tirsan Jubbaland oo saaka u soo gaaray Muqdisho soo wareejinta Sarkaalkan.

Ninkan ayaa saaka diyaarad yar looga qaaday garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho, iyadoo ay diyaarada sii martay magaalada Baydhabo oo saldhig u ah Ciidamada Itoobiya.

La Taliyaha Madaxweynaha Jubbalad Cabdi Cali Raagge iyo Taliye kuxigeenka Nabadsugida Jubbaland Col. Gaas ayaa la sheegay in Sarkaalkan diyaarada lagu qaaday Sarkaalkan ka tirsan ONLF ay ku wehliyeen.

Wararka ayaa intaa ku daraya in diyaarada Milateri looga sii qaaday garoonka diyaaradaha Baydhabo, waxaana la geeyay magaalada Godey, halkaasoo galabta ay diyaarada Ethiopian Airlines ka qaaday, isla markaana ka dejisay magaalada Nazaret oo ah ku taal xarunta ugu weyn ee Sirdoonka Itoobiya.

C/xakiin Qalbi Dhagax ayaa muddo ku noolaa koofurta Gaalkacyo, waxaa uu ka soo jeedaa Gobolka Wardheer ee Ismaamulka Soomaalida Itoobiya.

Tallaabadan ayaa noqoneysa tii u horeysay ee dowladda Soomaaliya ay Itoobiya ugu gacan geliso Sarkaal ka tirsan Ururka ONLF, iyadoo al xusuusto in qaar ka mid ah maamulada dalka ka jira ay horay xubno ka tirsan ONLF oo ay ka qabteen deegaanadooda u gacan geliyeen dowladda Itoobiya.

Xigasho: Shabelle

LEAVE A REPLY