Dawlada Federaalka Soomaaliya, ayaa magaalada Muqdisho warbaahinta ugu soo bandhigtay Afhayeenkii hore ee Al-shabaab Shiikh Mukhtaar Rooboow Cali “Abuu Mansuur”, wuxuuna shaaciyay inuu isaga baxay ururka Al-shabaab.

Shiikha oo maalin kahor laga dajiyay Magaalada Muqdisho, kadib markii uu isku soo dhiibay ciidamada Doowlada Soomaaliya iyo kuwa maamulka Koofur Galbeed, ayaa saxaafadda u akhriyey war saxaafadeed qoraal ah oo sidoo kale la qeybiyey, oo ay ku qornaayeen afar qodob, waxaana ka mid ah

“In aan isaga baxay xubinna ka ahayn ururka Alshabaab muddo 5 sano iyo 7 bilood ah, sababta aan uga baxayna ay tahay kala duwanaan faham iyo khilaaf caqiido ku qotomo oo ku saabsan arrimo aanan diinta, dadka iyo dalka u adeegeynin” ayuu yiri Rooboow.

Dhanka kale Rooboow ayaa sheegey in ay wadahadalo u socdaan dowladda federaalka, uuna rajaynayo in ay wax wanaagsan kasoo baxaan.

Sida uu ku waramayo wariyaheena Muqdisho , in uu warbaahinta ka sheego fikirkiisa in uu Alshabaab ka baxay ayaa waxa ay shuruud u ahayd in heshiis kama dambeys ah lala saxiixdo Rooboow, shuruudaas oo uu horey u diidey Xassan Daahir Aweys oo wali dowladda u xiran.

Rooboow ayaa waxa uu sheegey in uu dhawr jeer lagu weeraray dhulkii miyiga ahaa ee uu ku dhuumanayay, uuna iska difaacay, isaga oo ugu dambaystiina u mahadceliyey dowladda Soomaaliya.

Miiskii uu shirka jaraa’id ku qabtay ayaa waxaa lagu gogley calanka Soomaaliya, taasi oo ka duwan ficiladii horey loogu bartay.

 

Mohamed Salah
Sanaag.so

 

LEAVE A REPLY