Dugsiga Al Nur Secondrey School oo la asaasay Sannaddii 1998 dii, kana kooban Dugsiga hoose, dhexe iyo sare ayaa Saaka 07.00 AM loo Aradaydu u fariisteen Imtixaanka dhexe ee Sannad Dugsiyeedka 2016-2017.
 
Dugsiga Al nuur waxaa ku yaala Magaalada Badhan ee Gobolka Sanaag, xaafadda Waaberi waxaana dhigta arday kor u dhaafaysa 1500 oo arday 900 oo ka mid ah ayaa u fadhiistay Imtixaanka, waxaa uu ku eg yahay imtaxaanku 2017-01-15 oo uu soo dhamaanayaa.
 
Maamulaha Dugsiga Al Nur Axmed Cabdi Jaamac ( Axmed Kuluc) ayaa Ardaydii Imtixaanka u fadhiisatay ku dhiira geliyey in ay la yimaadaan natiijooyin fiican, sidii hore looga bartay Ardaydii ka horreysay ee Jaamacadaha u aaday dalalka Uganda, Sudan, Masar, Malaysiya, India iyo Khaliijka Carabta.
 
Maamuluhu waxa uu ardayda ku dhiira geliyey In qurbaha dhibaato lagala kulmo balse uu kula taliyey ardayda in ay dalkooda wax ka bartaan.
”Waad ogtihiin in la dhisaayo Jaamacadda Maakhir University (Mu) oo ay heer gaba-gabo ah marayso, reer Badhan waxaad nasiib u yeelateen in Jaamacadda Geeska Afrika ugu casriyeysan ugu ballaadhan laga dhisayo Magaalada Badhan, maanta waxaa loo baahan yahay in aad qaabishaan Ardayda kale ee Soomalaiyeed ee Gobolada Dalka ka imanaya ee maaha in aad dibadda wax barasho u raadsataan” Ahmed Kuluc.
Ugu danbayn, Dugsiga Al Nuur ayaa ka mid ah 10 ka dugsi ee halka hore kaga jira dugisiyada Gobolada Puntland, waa Iskuul Macalimiintiisu iyo tayadiisa wax barasho ay aad u soo dhoweeyaan Bahda Waxbarashada Puntland, sidoo kale 29 Mars 2016 waxaa booqasho ku tagay Alnuur Wasiirka Waxbarashada Puntland, Abshir Yuusuf Ciise
Ahmed M Shire, Sanaag.so

LEAVE A REPLY