Wasiirka Arrimaha Dibadda DF Soomaaliya Yuusuf Garaad Cumar Axmed, ayaa warqad uu Dowladda Maraykanka u diray ku sheegay in Al-shabaab ay Soomaaliya ka qodayso macdnata Uranium-ka loo yaqaanno, ka dibna ay u dirayso waddanka Iran.

Macdanta Uranium-ka ayaa waxaa loo adeegsada sameynta hubka Nuclear-ka loo yaqaan ee sida xun wax u gudmaada. Wasiir Yuusuf Garaad ayaa ka codsaday Maraykanka in Soomaaliya la siiyo taageero milatari oo deg-deg ah, si ay arrintan uga hortagto.

Warqadda oo loo diray Safiirka Mareykanka ee Soomaaliya, ayaa waxaa ku saxiixan Yuusuf Garaad. Safiirka Soomaaliya ee Maraykanka Axmed Cawad oo la hadaly taleefishinka Fox News ayaa xaqiijiyey in warqaddaasi ay tahay mid sax ah.

Sidoo kale, Warqadda oo ku Taariikheysan 11-kii bishii August 2017-ka ayaa Mareykanka uga digtay in Al-shabaab iyo Daacish-ta Somalia ay qabsadeen dhul ka mid ah bartamaha Soomaaliya, oo macdanta uranium-ka ka buuxdo.

“Arrintan waxaa lagu soo koobi karaa hal eray oo ah; Uranium,” ayaa lagu yiri warqadda. Iyadoo intaas lagu daray. “Maleeshiyada Al-Shabaab waxay qabsatay dhul badan oo macdanta Uranium ay ka buuxdo, kuna yaalla deegaanada Galmudug, si ay macdantaas ugu dhoofiyaan Iran.”

Qoraalka wasiir Yuusuf Garaad ayaa uga digtay Mareykanka in iminka aan la joogin waqtigii dhinac kale loo jeesan lahaa, wuxuuna ka codsaday taageero sirdoon iyo mid milatari.

“Dowladda Mareykanka kaliya ayaa leh awoodda ay ku aqoonsato kuna bur-buriso Shabaabka ka howl-galaya Soomaaliya” ayuu ku qonayd warqaddan.

Ugu dambeyn, Wasiir Yuusuf Garaad Axmed ayaa ka digay in dhibaatadan aysan ahayn dhibaato Soomaaliya kaliya, balse ay tahay mid caalami ah.

LEAVE A REPLY