Madaxweynaha Jamhuuriyadda Soomaaliya ayaa ka qayb galay Tukashada Salaad Jinaaza ah iyo aas Qaran oo loo sameeyay Allaha u naxariistee Taliyihii iyo abaan duulihii Guutada 12-ka April ee Ciidanka XDS, Jan, Cumar Aaden Dhubbad (Cumar dheere) iyo Jen, Cabdi Cali Jammaame, oo Shalay ku dhintay qarax ka dhacay nawaaxiga Dhanaane ee Gobolka Shabeellada hoos

Salaadda Jinaazada oo ka dhacday Masjidka Madaxtooyada, ayaa waxaa kasoo qayb galay, Madaxweynaha iyo Ra’iisul wasaaraha Dalka, Saraakiill iyo mas’uuliyiin ka tirsan Dowladda federaalka Soomaaliya.

Taliya Ciidanka xoogga Dalka Soomaaliyeed, S/ Gaas , Daahir Aaden Cilmi (Indha-qarshe) oo goobta ka hadlay ayaa sheegay in howl-gallada ka dhanka ah Al-Shabaab aysan waxba ka beddeli doonin geerida Saraakiishan

Wuxuu Taliyuhu hoosta ka harriiqay inaysan Dowladdu illaawi doonin Xaasaskii iyo Carruurtii ay ka geeriyoodeen, isagoo sheegay in marxuumiintan shahiidday aysan dhiman balse ay dhuunteen.

LEAVE A REPLY