Dowladda Federalka Somaliya ayaa waxa ay ka hadashay Dooarashada maanta oo Sabti ah lagu wado inay ka qabsoonto Magaalada Jowhar ee xarunta Maamulka Hirshabelle.

Wasiirka arrimaha Gudaha iyo Federalka Xukuumadda Somaliya Cabdi Faarax Siciid Juxaa oo gaaray Magaalada Jowhar, ayaa sheegay Dowladda Somaliya inay dhexdhexaad ka tahay Doorashada Madaxtinimada Jowhar.

Wasiir Juxaa, ayaa beeniyay in Dowladda ay la safan tahay Musharax gaar ah oo ay la doonayso inuu ku soo baxo xilka Madaxtinimada Hirshabelle, kadib markii qaar ka tirsan Musharaxiinta ay ku eedeeyeen Dowladda dhexe inay la safan tahay Musharaxiin gaar ah.

“Dowladda wax dhinac ah oo ay la safan tahay ma jirto Doorashadan waa Doorasho Maamul Goboleed, dadka reer Hirshabelle ayaa xaq  u leh inay Doortaan Madaxweyne cid aan gaar u wadano ma jirto, cid aan ka jirnaa ma jirto, waan u fududeynaynaa, waan daawanaynaa sida Doorashada u dhaceyso, idinkana waad joogtaan, cidna lama jirno waa sidaa.” Ayuu yiri Wasiir Juxaa oo Warbaahinta kula hadlay Magaalada Jowhar.

Guddiga Doorashada Madaxweynaha Maamulka Hirshabelle, ayaa shaaca ka qaaday in si wanaagsan loo diyaariyay hanaanka Dooarashada, iyadoo Dowladda iyo xubno IGAD ka socda ay kor joogto ka noqonayaan Doorashada.

Inta badan Dowladda Somaliya ayaa lagu dhaliilaa xilliyada Maamul Goboledyada Doorashooyinka ay ka dhacayaan inay wadato Musharax gaar ah oo ay isfahansan yihiin Madaxda Dowladda inuu ku soo baxo  Doorashadaasi.

Doorashada Madaxweynaha Hirshabelle, ayaa maanta si aad ah indhaha loogu haayaa wixii ka soo bixi doona iyo cida tartanka ku guuleysan doonta.

LEAVE A REPLY