Doorashadii Ururka Suxufiyiinta Puntland (MAP) ee ka dhacday Magaalada Garoowe Sabti 30 December 2017 ayaa waxa la odhan karaa waxay ahayd doorasho u dhacday si caddaalad ah, taas oo ay si wayn uga soo shaqeeyeen Guddiga Doorashada Ururka Suxufiyiinta Puntland ee (MAP).
 
Doorashadan oo ay ka soo qayb galeen 295 Suxufi oo ka kala yimid Gobolada Puntland ay ka kooban tahay, waxaa ay soo bilaabatay 28 December 2017 taas oo socotay sida uu qorshuhu ahaa muddo 3 Casho ah, iyagoo aan cidna ka helin tageero horumarineed iyo mid waxbarasho toona, halkaasna lagu doortay Guddoomiyaha Ururka Warbaahinta Puntland ee MAP Wariye Maxamed Daahir Caynsane iyo Guddoomiye ku Xigeenka MAP Yusuf Maxamed Maxamuud.
 
Doorashadan oo ahayd shirweynihii 3 aad ee ay ku doortaan Maamulka Ururka MAP, waxay toosh iftiin badan ku ifisay bisaylka Dhalinyarada reer Puntland ay tusaale u noqon karto heyikaca iyo hiigsiga Dimuqraadiyadda Puntland iyo Soomaaliya.
 
Waxaa dhidibada loo taagey Ururka MAP Sanadii 2008 dii ka dib fikir ka soo maaxday Dhalinyaro Suxufiyiin iyo Indheergarad isugu jira Wiilal iyo Gabdho ay talo ku go’aansadeen in ay si cad uga dhabayaan yoolkooda iyo mowqifka dhabta ah ee ay ka damacsan yihiin horumarka Warbaahinta Gobolka oo ahayd mid curdin ah oo aan weli qaan-gaadhin balse iminka aynu odhan karno waa hana-qaad aan weli si buuxda loo gardaadin.
 
Waxaan goob joog u soo ahaa doorashadii dhexe ee Ururka MAP ee ka dhacday isla Magaaladan Garoowe 3 Sano ka hor, waxay ahayd mid ka saxmad iyo gurdanraac yar tan Maanta dhacday oo ahayd mid laga dheehan karayey isbeddel saamayn leh iyo kobaca koritaanka ay samaysay Warbaahintu, Ma jirin dhaliilo iyo wax kala tabasho jawigeeduna wuxuu ahaa mid la saanqaadaysa sidii rati hayina oo kabaxay Laylinimadii, waxaa si qota dheer looga xaajoonayey Masuuliyadda guud ee dalka iyo dadka oo ay saxaafadu door muhiima ku leedahay, iyadoo ay taasi dhabada u xaadhayso Guud ahaan horumarka dalka oo ay tahay masuuliyada 1 aad ee waxbeddeli karta.
 
Maamulkii hore ee Ururka & Kaalintoodii
 
Ururka Map waxa uu soo Maray marxalado kala duwan Muddadii ay Hoggaanka hayeen Masuuliyiintii hore,waxaana lugu ammaani karaa Hoggaankii u horreeyey Guddoomiye Faysal Jaamac Aadan iyo Guddoomiye ku xigeenkiisii Burhaan Axmed Daahir heerka Maanta wax marayaan oo ay kaalin mugle ka qateen, xili aysan meelna awood ku lahayn oo ay tacab iyo tabarba istiileen, sidoo kale Maamulkii Faysal Khaliif iyo WELCOME ay ku soo beegmeen Xili uu jiro isfaham iyo karti ay saxiibadood soo karaariyiin xiligii Adkaa.
 
Waxaa hore u jirey yaacsanaan iyo kala tabasho uu gabay hoggaankii 3 dii sano ee la soo dhaafay balse waxaa Guul ah in wax walba looga gudbay Maanta ee aan shalay dib loogu laaban.
 
Markaan u soo laabto Hannaankii wax u dheceen waxaan odhan karaa waxaynu fahamnay masuuliyadda aan lahayn, oo ahayd inaan 3 maalmood iyo saddex habeen u soo jeedno Masiirka Warbaahinta oo aan wakhti iyo fikirba u hurnay daneheena u baajinay.
 
Kor-joogtadii doorashada waxaanu tusnay inaanu Annagu qiimaysanahay ee aynaan qiimaynba hanbayn, taasina waxaan ku Ammaanayaa Saxiibadaan howshan ku mideysanahay, iyadoo aan ogayn 20kii sano ee u dameyey tirada Wariyeyaasha gobolku halka ay tiro ahaan iyo tacliinba ka joogeen oo Maanta laba jibaar sii kordhaya.
 
Ugu danbayn, Waxaan halkan bogaadin iyo dardaaran uga dirayaa Guddoomiye Maxamed Daahir Caynsane iyo ku xigeenkiisa Yusuf Maxamed Maxamuud & dhammaan Golaha fulinta ee Ururka Suxufiyiinta Puntland ee (Map) in aad idinkuna hawsha wax ka beddeshaan 3 sanno ee soo socota, Anigoo idin ka filaaya in aad ka sii wanaagsanaan doontaan, waxna ka baranaya Maamulkii idin ka horreeyey.
Mahadsanid.
WQ: Maxamed Axmed Ciise
Geedi7@hotmail.com
00252907955563

LEAVE A REPLY