Berri oo keliya ayaa inaga xigta xilligii ay doorashada Madaxwaynaha Soomaaliya qabsoomi lahayd oo ku beegan 2017-02-08 Maalinta arbacada.
 
Doorashada ayaa ka dhacaysa Xarunta Afisyooni ee ciidamada cirka, sida uu sheegay Guddoomiyaha Guddiga Doorashada Madaxwaynaha Cabdiraxmaan Ducaale Beyle oo saxaafadda la hadlay. Guddiga ayaa isbaddal ku sameeyey halkii lagu qaban lahaa doorashadda, ka dib cabasho ka timid qaar ka mid musharrixiinta Xilka Madaxwaynaha Soomaaliya.
‘Waxaan ballanqaadeynaa in doorashadu noqonto mid daah furan oo si la wada arkayo u dhacda, waxaan ilaalin doonaa hufnaanta iyo in sida ugu fiican wax walba ku soo dhamaadaan ayuu yiri’’ guddoomiyaha gudiga doorashada.
 
Xarunta Afisyooni ee ciidamada cirka ayaa u dhaxaysa Garoonka Diyaaradaha  ee Aadan Cadde iyo halkii markii hore doorashadu ka qabsoomi lahayd ee Dugsiga tababarka Booliska ee Jen. Kaahiye.
 
Doorashada Xilka Madaxwaynaha Soomaaliya ayaa ahayd in ay qabsoonto Sep 10, 2016 kii, waxayna dib u dhacday afar jeer oo hore, hadda waxaa la filayaa in uu mar kale dib u soo laabto Madaxwaynihii xilligaasi  doorashada dib u dhigay Xassan shiikh Maxamuud oo Musharax ah, welina Hoy u ah Aqalka Soomaaliya looga arimiyo ee Villa Soomaaliya, halka musharaxiinta kale ee dhigiisa ah ay degan yihiin Hotelada Magaalada Muqdisho.
 
Ugu danbayn, Maalinta Arbacada waxaa Madaxwane Soomaaliyeed soo dooranaya Xildhibaanno ka kooban 275 oo ka socda Golaha Shacabka iyo Xildhibaanada Aqalka Sare oo dhan 54 ayaa codkooda dhiibanaya, marka la isku geeyo tiradooodu ,waxay noqonaysa 329 Xildhibaan.
Sanaag.so

LEAVE A REPLY