Waxaa ka soconaya Magaalada Badhan ee Gobolka Sanaag iyo qayba ka mid ah Gobalada Dalka Soomaaliya u diyaar garowga Munaasabada 26 June iyo 1 luuliyo waxaana si wayn diyaar garowgaa loga dareemayaa Magaalada Badhan ee Gobolka Sanaag.

 Guddoomiyaha Gobolka Sanaag Maxamuud Ismaaciil Jaamac (Ciyoon) iyo Guddoomiyaha Gobolka Haylaan Maxamed farax Ciise (jeentalo) ayaa Magcaabay Guddi heer qaran dhowaan ayaa wada dhaq dhaaq loogu diyaar garoobayo Maalinta 26 jun iyo 1 luuliyo kuwaas oo kulama la leh qaybaha kala duwan ee Bulshada Sanaag iyo Haylaan.

26 June oo ah xiligii laga xoroobay Dalalkii Gumaystaha Dalka UK iyo Talyaaniga ee sanadii 1960 kii ayaa waxaa si wayan looga dareemayaa diyaar garowgeeda guud ahaan Dalka Soomaaliya waxaana lagu wadaa in Munaasabado Maalintaa lagu waynayo ka dhacaan guud ahaan Soomaaliya.
Munaasabado kala duwan ayaa lagu wadaa in ay ka dhacaan Magaalada Ceerigaabo, Badhan, Dhahar, Laasqoray, Hadaaftimo, Xingalool, Buraan, Carmale, Baraagaha-qol, Shinbiraale, iyo Gobalada Dalka Soomaaliya waxaana lagu wadaa in Munaasabadahaa lagu wayneeyo maalintaa Xasuusta ku leh Umadda Soomaaliyeed ee 26 June

Diyaar garow kaa la mid ah waxa uu ka jira Gobalada Soomaaliya waxaana ka mid ah Goobaha diyaar garowgaa ka socda Magaalada Boosaaso, Qardho, Garoowe, Buurtinle, Gaalkacay Muqdisho, Jowhar Baladwayne, Baydhabo, Kismaayo, Marka, gobalada kale ee Dalka Soomaaliya si maalintaa u xusaan.

Soomaaliya ayaa hadda ku jirta xaalad kala guur ah, Dowlada Federaalka ah iyo maamulada ayaa Shirkii Madasha Wadatashiga Qaranka ee looga hadlayey hiigsiga 2016 ku heshiiyey qaabka loo soo xuli doono Xildhibaanada Baarlamaanka soo dooran doona Madaxweynaha marka la gaaro September 2016, iyadoo hawshaasi loo xilsaarayo Guddigii Doorashada ee uu dhawaan Magacaabay Madaxweyne Xassan Shiikh.
 
Akhriste, haddaad hayso macluumaad ku saabsan 26 da JUNE iyo 1 July, taariikhda ama dabbaaldegyada noogu soo dir email: contact@sanaag.so
Sanaag.so

LEAVE A REPLY