War Deg deg ah: Laba dhalinyaro ah ayaa ku dhaawacmay isku soobax iyo dabbaal-degyo ka socda Magaalada Badhan ee Gobolka Sanaag, taas oo loogu dabbaal-degaayo soo dhoweynta Madaxwaynaha Cusub ee Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo.

Dhalinyarada ayaa dhaawacantay ka dib, markii ay rasaas fara badan fureen askar u dabbbal-degaysay guusha Madaxwaynaha Soomaaliya Maxamed Cabdillaahi Farmaajo.

Wariye Maxamed Siciid Jaamac oo Sanaag.so uga soo warama Magaalada Badhan ayaa noo xaqiijiyey in dhalinyaradaasi lagu dabiibaayo Cusbitaalka Guud ee Degmada Badhan.

Dad badan ayaa ku sugan Cusbitaalka Magaalada Badhan oo u badan Dhalinyaro, Askar iyo Haween kuwaas oo ka qayb-qaadanaya gurmadka Dhalinyarada si ay Dhiig ugu shubaan.

Dhalinyarada Dhaawacantay mid ka mid ah oo lagu magcaabo Axmed Cabdi Yuusuf Cali  ayaa dhaawicisu culusahay waxaana xabbadu uga dhacday Naaska hoostiisa iyadoo ay ka baxday dhanka dhabarka, halka kan kale dhaawiciisu uu sahlan yahay.

Dhakhaatiirta cusbitaalka o aan xidhiidh la samaynay ayaa noo suurtoobi wayday inaan helno, wixii war ah kala soco Sanaag.so

LEAVE A REPLY