Madaxweynaha dowlad goboleedka Galmudug Axmed Ducaale Geelle Xaaf ayaa goor dhow ku dhawaaqay golihiisa Wasiirada oo ka kooban 22 wasiir 22 wasiir ku xigeen iyo 8 Wasiiru dowlayaal.

Madaxweyne Xaaf ayaa ugu baaqay xildhibaanada baarlamaanka Galmudug in ay ansixiyaan golihiisa wasiirada oo uu ku sheegay inay yihiin kuwo tayo leh.

Wararka ayaa sheegaya in xubnaha la magacaabay ay ku jiraan wasiiradii hore ee Maamulkii C/kariin Guuleed.

Madaxweynaha Galmudug Xaaf ayaa shalay ka codsaday Baarlamaanka inay ansixiyaan in wasiiradii hore sii shaqeeyaan, hase ahaatee Xildhibaanada ayaa ka soo horjeestay.

LEAVE A REPLY