Maxaned Cabdi Waare ayaa uguuleystey doorashaa Madaxweynaha dowlad goboleedka Hirshabelle, kaddib markii uu wareegii ugu dambeeyay uu ka adkaaday Musharaxii la tartamayay Daahir Cabdulle Cawaale

Maxamed Cabdi Waare oo sanadkii hore la tartamay Madaxweynihi xilka laga qaaday Cali Cabdulaahi Cosoble ayaa wareegii labaad kula tartamay Daahir Cabdulle Cawaale.

Waare ayaa helay 74 Cod, halka Musharaxa laga guuleystay Daahir Cabdulle Cawaale uu helay 23 cod.

Ciidamada ammaanka, kuwa AMISOM ayaa isku gedaamay Madaxweynaha la doortay Maxamed Cabdi Waare, si ay u sugaan ammaankiisa.

Guddoomiyaha Baarlamaanka Hirshabeelle Sheekh Cusmaan Barre ayaa ku dhawaaqay natiijada doorashada Madaxweynaha.

Madaxweynaha la doortay Maxamed Cabdi Waare ayaa la dhaariyay, waxaana uu jeedin doono khudbad uu uga hadlayo guushiisa iyo waxyaabaha uu qaban doono saddexda sano ee soo socota.

LEAVE A REPLY