Muudanayaasha barlamaanka Puntland oo ku guda jira kalfadhigoodii 39aad ayaa maanta​ mar kale dib u ansaxiyey xukuumaddii ay rideen 18′ kii July 2017.
 
Madaxwaynaha Puntland Cabdiwali Maxamed Cali Gaas oo goob joog ahaa ansaxinta Wasiirada cusub ayaa ka codsaday Golaha Wakiilada Puntland in ay duuduub u ansaxiyaan.
 
Wariye Jama Deperani oo ku sugan hoolka baarlamaanka Puntland ayaa bartiisa Facebook ku soo qoray markii la ansixiyey golaha wasiirada Puntland:
”Cod ayaa la geliyey Baarlamaankuna wuxuu isku raacay duuduub in lagu ansixiyo, cod gacan taag ah ayaa loo qaaday xasaanad siinta Golaha wasiirada cusub.
 
61 xildhibaan ayaa codsiiyey oo ansixiyey Golaha wasiirada, 3 xildhibaan ayaa ka aamusay mana jirin cid diiday, kulanka waxaa fadhiyey 64 Xildhibaan.
Madaxweyne Gaas ayaa uga mahadceliyay Baarlamaanka ansixinta golaha wasiirada.
“Waad Ku Mahadsan tihiin sida mas’uuliyadda oo aad ugu hiiliseen Puntland, una siiseen xasaanadda golaha wasiirrada, aad iyo aadbaan idiinka mahad naqayaa, waxaan idiin ballanqaadayaa shaqadaa culus in inoo wada taalla in aan si dhaw in aniga iyo golaheyguba ay ula shaqeeyaan golaha wakiillada ee Puntland, si dhammaanteen aan u gudanno waajibka dastuuriga ah ee na wada saran ee dalkan iyo dadkanna si wanaagsan aan u wada shaqeyno”” ayuu yidhi Madaxwayne Cabdiwali Maxamed Cali Gaas.
Ugu danbayn, Xildhibaanada Puntland, ayaa la filay inay meel-mariyaan xukuumadda cusub maadama 90% ay yihiin xukuumaddii ay kalsoonida kala noqodeen, oo ay shacabka u sheegeen in xukuumadaasi ku fashilantay Amniga, Dhaqalaha iyo bixinta adeegyada  shaqalaha iyo mushaharka ciidamada Dawlada.
Sanaag.so

LEAVE A REPLY