Ajnabiga aan sharciga haysan gaar ahaan dadka Soomaalida ayaa Ciidamada Ammaanka Dalka Maraykanku bilaabeen qabqabashadooda, islamarkaana ay ku soo celiyaan dalka Soomaaliya.
 
Ciidamada ayaa si gaar ah u bartilmaameesanaya dadka soo galootiga ah ee aan wax sharci ah haysan, waxaana xusid mudan in ilaa 10 ruux oo Soomaali ah wiigan ku qabteen Caasimada Atlanta ee Gobolka Georgia.
 
Dadka ay ciidamada amaanka iyo laanta Socdaalku beegsanayaan ayaa isugu jira dad aan sharci haysan iyo kuwa sharciga ka maqan yahay balse dambi ka galay dalka.
 
Dadkan ilaa iyo hadda la qabqabtay ayaa intooda badan lagu beegsaday guryahooda iyo suuqyada magaalada Atlanta.
 
Guddoomiyaha Ururka Somaalida ee Atlanta Cumar Abuukar Shiikheey ayaa VOAda u sheegay in jaaliyadda soomaalidu ay aad uga walaacsan tahay tallaabadan cusub.
 
Guddoomiyaha ayaa sheegay in dambiyada dadka qaar ay galeen ay yihiin dambiyo aad u fudud oo aan istaahilin in laga saaro dalka Maraykanka , laguna celiyo Soomaaliya oo haataan duruufo adag ka jiraan.
 
Dhawaan ayeey ahayd markii safiirka Soomaaliya ee dalka Mareykanka Axmed Ciise Cawad Warbaahinta u sheegay in ilaa 4000 oo Soomaali ah qorshuhu yahay in laga soo tarxiilo dalka Mareykanka.
 
Donald Trump ayaa intuu ku jiray ololaha doorashada wuxuu jeediyay haddallo badan oo ku saabsanaa Soomaalida iyo Muslimiinta, mar uu ka hadlaayay Minnesota wuxuu sheegay in Soomaalida dhibaato geeystaan.
“Minnesota waxaad ku aragteen dhibaatooyinka ay keeneen qaxootiga siiba qaxootiga halkaan ku badan ee Soomaalida. Idinkoonan war u heyn ayay yimideen gobolkiina iyagoo waliba qaarkood ku biiraya kooxda Daacish. Waxayna xagjirnimada ku faafinayaan dalkeena iyo dunida oo dhan.”
Waxuu dhaleeceeyey dadka soo galootiga ah ee Maraykanka taga.
 
Ugu danbayn, tan iyo markii Donald Trump loo doortay madaxtinimadda dalka Maraykanka, waxaa la soo masaafuriyay soomaali gaareysa 200 oo ruux oo laga soo dejiyey Magaalada Muqdisho ee Caasimada Soomaaliya.
Sanaag.so

LEAVE A REPLY