Dawladda Soomaaliya ayaa safiir cusub u magacawday dalka Sweden oo aysan Dawladda Soomaaliya muddo dheer ku lahayn Safiir iyo Safaaradtoona.

Safiirkan ayaa lagu magacaabaa Cawaale Cali Kullane, kaasi oo Dawladda Soomaaliya hore ugu metelayay Qaramada Midoobay.

Danjire Cawaale ayaa wuxuu hore ula soo shaqeeyay Dawladdii KMG ahayd ee Shiikh Shariif Shiikh Axmed iyo aowladda Federaalka ee hadda jirta, waana diblumaasi hawlkar ah.

Dalka Soomaaliya wax safaarad ah kuma lahayn dalka Sweden tan iyo wixii ka dambeeyay markii ay burburtay dowladdii dhexe ee Soomaaliya sanadkii 1991-kii.

Danjirahan ay Dawladda Soomaaliya u soo magacawday dalka Sweden ayaa wuxa uu ka  yahay mid ahaa Somaalida hore ugu noolaa Dalka Sweden  inta aanu  qaban xilal dublumaasiyadeed.

Ugu danbayn, Soomaalida ku dhaqan dalka Sweden ayaa si weyn u soo dhaweeyay Safiirka loo soo magacaabay, waxayna ka rajeeynayaan in uu wax weyn ka qaban doono baahida Muwaadiniinta Soomaaliyeed ee ku dhaqan  dalka Sweden.

Sanaag.so

LEAVE A REPLY