Dawladaha Soomaaliya iyo India ayaa kala saxiixday heshiis u saamaxaya Dowladda Soomaaliya in iyada lagu soo wareejiyo 118 maxbuus oo dalkaasi India ugu xidhnaa Burcadbadeed.
 
Wasiirka Arimaha dibadda Soomaaliya Yuusuf Garaad Cumar iyo Wafti uu hoggaaminayo ayaa kala hadlay dhigiisa Sushma Swaraj arimo la xiriira maxaabiista Soomaaliyeed ee dalkaa ku xir xiran oo maalinta Beri ah la sugaayo in maxkamadaasi India  ay go’aan ka gaarto.
 
Go’aanka Maxkamadda Beri ay wajahayaan maxaabiista Soomaaliyeed ayaa la rajaynaya in uu u dhaco in Maxaabiistaasi laga soo daayo xabsiga ay muddada ku xidhnaayeen, ka dib wada hadalo iyo dadaalo muddo u socday labada Dawladood ee Soomaaliya iyo India.
 
Golaha Wasiirada dalka India oo uu Shir gudoominaayey Raysalwasaare Narendra Modi ayaa Bishii June ansixiyey Sharci oggolaanaya in maxaabiista Soomaalida ee xabsiyada dalkaasi ku jira loo wareejin karo dalkooda, sidoo kale in Maxaabiista India ee Xabsiyada dalka Soomaaliya ku jira loo wareejin karo dalkooda markii ay maxkamadi xukunto.
 
Ugu danbayn, Dawlada Soomaaliya ayaa bilihii ugu danbeeyey ku tallaabsanaysay tallaabooyin wax ku ool ah, waxaana dhowaan Muqdisho ka soo degay Maxaabiis gaaraysa 114 maxbuus oo muddo ku xdhnaa dalka Itoobiya.
contact@sanaag.so
Sanaag.so

LEAVE A REPLY