Dagaal u dhexeeya Ciidamada Puntland iyo Galmudug ayaa haddana ka bilowday shalay Gaalakacayo, waxaana ku naf waayey saddex qof inta la xaqiijiyey in ay ku dhinteen, sidoo kale waxa jira dhaawacyo la gaarsiiyey cusbitaalka wayn ee Magaalada Gaalkacayo.
 
Dhawaan dagaalo halkaa ka dhacay kadib ayaa waxaa la gaaray heshiis xal waara colaada loogu raadinaayay iyo inaan colaad dambe aan loo celin shacabka Gaalkacyo.

Danjiraha QM oo walaac ka muujiyay xiisada colaadeed ee Gaalkacyo

Danjiraha QM u qaabilsan Soomaaliya Michael Keating ayaa walaac ka muujiyey xiisadda mar kale ka soo cusboonaatay magaalada Gaalkacayo, taas oo sababtay dhimashada ugu yaraan saddex qof.
 
Ergeyga Qaramada Midoobay ayaa ugu baaqay dhinacyada kala geddisan in ay tixgeliyaan heshiiskii xabbad joojinta oo labada dhinac ay kala saxiixdeen.
 
Warkan ka soo baxay xafiiska ergeyga Qaramada Midoobay Michael Keating ayaa lagu sheegay, in labada maamul ee Puntland iyo Galmudug in ay ku xaliyeen tallaabo aan gacan ka hadal aheyn khilaafka u dhaxeeya, islamarkaana dib loo furmo jidadkii ku xirmay dagaalladii ugu danbeeyay ee ka dhacay magaalada, lana kala qaado ciidamada.
 
Ugu danbeyntii, tan iyo markii isfahamka laga gaaray xiisadda Gaalkacayo, waxaa la howlgaliyay guddiyo isku dhaf ah oo ka kala tirsan Puntland iyo Galmudug kuwaas oo ku hawlanaa sidii xiisadda jirta loogu xallin lahaa wadahadal, inkastoo aad mooddo in meelaha qaar gaar ahaan waddooyinkii xirnaa iyo dib u furistooda aan lagu guuleysan.
 
Shacabkii dhawaan dib ugu laabtay magaalada Gaalkacyo ayaa walaac ka muujiyay xiisada mar kale ka soo cusboonaatay magaalada Gaalkacayo.
Sanaag.so

LEAVE A REPLY