Waxaa magaalada laascaanood ee Gobolka Sool lagu soo rogay bandow, taas oo ka dhalatay ka dib markii aanooyin qabiil  lagu dilay 3 qof,  oo la xidhiidhta dagaaladii beryahan ka socday Hawdka iyo Dharkayn-Geeyo oo ku naf waayeen 40 qof halka dhaawacyaduna kor u dhaafeen 60 qof.

Baabuur ay wateen 3’da qof ee la dilay ayaa maraayey Deegaanka Xaraar-daayeer oo jirta Magaalada laascaanood  7 km, baabuurkan ayaa u socoday deegaanno ka tirsan  Hawdka-koonfureed.

Waa markii ugu horreysay ay ka billowdaan Rabshado labadaas beelood u dhexeeya ay ku faafaan degmada Laascaanood taas oo maanta gebi ahaanba Maamulkaasi Somaliland ku soo rogay Bandow.

Guddoomiyaha Gobolka Sool Mustafe Cabdi Ciise oo saxaafadda kula hadlay Xafiiskiisa, ayaa wuxuu sheegay in laga billaabo Dhurnimadda Maanta – ay magaaladda Laascaanood tahay Bandow.

“Waan ognahay inaan magaalada colaadu wada saamayn laakiin waxaan ka taxadaraynaa inay fursad ka helaan, Naftuna waa nooga Qaalisan tahay wax kasta,” ayuu Guddoomiyuhu yiri mar wax laga weydiiyey sababta ay ugu soo rogeen magaalada Bandow.

Maamulka Somaliland oo magaaladaasi  ka taliya ayaa Puntland kala wareegay gacan ku haynta  xoogna kaga qabsaday Magaalada laascaanood Oct 15, 2007.

Puntland kama ay qayb qaadan Colaadahan socday muddada dheer in  ay wax waan waan ah ka gesho oo kala qaboojiso beelaha walaalaha ah, marka laga tago hadallo afka ah ee ka soo yeeraya Puntland, halka Somaliland ay dirtay hoggaamiye dhaqameed, week ka hor u soo dirtay wafti heer Wasiiro ah oo aanu ku jirin qof isagu deegaankaasi u dhashay oo ay dhammaantood ka yimaadeen Gobolka Waqooyi Galbeed ee Soomaaliya.

Sanaag.so

LEAVE A REPLY